Wakaaladaha wararka waa hey’ado u xilsaaran ,ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah iyo kuwo dowli ah.
Wakaaladaha wararka ee caalamiga ah waa kuwo xirfaf ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil badan oo ku xiran kanaaladooda sida wargeysyada,Idaacadaha iyo taleefidhinada. waxaa kamid ah wakaaladahaasi Associated Press (AP), AFP , Reuters, United Press iyo Tass.
Waakaaladaha wararka ee dowliga ah badanaa waxaa gacanta ku haya xukuumadaha ,waxayna ku hadlaan afka dowladda, iyagoo gudbiya wararka caadiga ah iyo siyaasadaha dowladaha.
Dhammaan wakaaladaha waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo kasban lahaa kalsoonida dadka iyo ka fogaanta wararka beenta ah ee dhaawici kara Xogta saxda ah ee muuqaalada dhacdooyinka u gudbaya macaamiisha.
Wakaaladaha wararka waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin adeeg wareed (news wire), kuwaas oo wadaaga dhaqan ahaan masuuliyad macquul ah oo tilmaameysa in helitaanka wararka iyo dhacdooyinka loo tiiriyo ama loo nisbeeyo afhayeen ama ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.
Haddaba,Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay maanta u dabbaaldageysaa xuska sanadguurada 60-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Wakaaladda Wararka SONNA.
Wakaaladda SONNA, waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii waana Tiirka ugu weyn ee ay ku faanto wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya .
Dhismaha Wakaaladda ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-dii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray dhowr luqadood.
Wakaaladda Wararka SONNA waa hey’ad ka mid ah warbaahinta oo u xilsaaran ururinta wararka gudaha iyo dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo bogagga Websaydyada ee baraha bulshada.
Marka loo eego Howsha Wakaaladda SONNA waa warbaahin shaqeysa 24-saac oo xiriir ah, waxayna laamo ama xafiisyo ku leedahay gudaha dalka iyo dibadda sida Dowladaha Islaamka,Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.
SONNA ayaa ah isha wararka ,waxeyna ku shaqeysaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimo iyo dabagal,iyadoo gudbisa wararka iyo dhacdooyinka xiisaha u leh bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.
Wasaaradda Warfafinta waxay dadaal ku bixisay sidii loo hormarin lahaa qeybaha warbaahinta ,gaar ahaan wakaaladda wararka SONNA si loo helo aqoon lagu kaabo howsha warbaahinta ,iyada oo loo marayo qaab farsamo oo casriyeysan.
Dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay wakaalada wararka waxa ay ku tallaabsatay guullo wax ku ool ah,kadib markii madaxda wakaaladda ay heshiisyo cusub la soo galeen wakaaladaha wararka ee dalalka Shiinaha,Turkiga, Raashiya,Suudaan, ,Qadar,Kuweyt, Imaaraadka ,Sacuudiga,Bulgariya iyo kuwo kale.
Adeegga wakaaladda ee xilligaan waxaa lagu saleeyay habka casriga ah ee ay u howlgalaan wakaaladaha wararka caalamka,gaar ahaan nidaamka shaqo ee warbaahinta diijitaalka ah oo si dhaqso ah u gaari karta daafaha dunida.
Qorshaha ku talagal ee mustaqbalka waa in wakaaladda wararka SONNA ay dib u soo celiso dhammaan xiriiradii ay la laheyd dalalka dunida.
Hadafka SONNA ee xilligaan iyo mustaqbalka fog waa:-
1-in hawsha SONNA la gaarsiyo Gobolada dalka iyo dibadaha iyadoo kor loo qaadayo aqoonta shaqaalihii hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiraya wakaaladda.
2 –la socodka wararka ay daabacaan wakaaladaha iyo warbaahinada kale ee caalamka.
3 –diyaarinta warar xaqiiqo ah oo ka turjumaya danta bulshada,gaar ahaan xilligga ay dhacayaan.
4 – kordhinta qalabka saxaafadda ee ay ku howlgalaan wakaaladda wararka SONNA.
5 – in danjirayaasha ku sugan dalka la siiyo warar ku qoran buletiinka oo ku hadlaya luqadaha Ingiriiska,carabiga Talyaaniga iyo kuwo kale,
6 –in ay diiwaangeliso dhacdooyinka,iyadoo lala kaashanaayo hay’adaha wararka ee goboladaa iyo caalamka.
7– tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan xilliyada faafinta wararka.
8 – in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si ay u abuuraan jawi wanaagsan oo lagu shaqeyn karo.
Gabagabadii wasiirka wasaaradda Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta dhambaal hambalyo ah u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaalada Wararka SONNA oo u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 60-aad ee ka soo wareegatay aasaaska wakaaladda SONNA.
Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda waxay u rajeeyeen maamulka iyo shaqaalaha SONNA in sanadkaan kisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.
SONNA