Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Xuska maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo
GudahaMaqaallada

Xuska maalinta Warbaahinta Soomaaliya ee 21-ka Janaayo

By Kulane
Last updated: January 21, 2023
3 Min Read
Share

21-ka Janaayo waa maalin qaran oo ku weeyn quluubta bulshada,waxaana maanta oo kale loo dabbaldegaa munaasabadda maalinta warbaahinta Soomaaliya oo aasaaskeeda ama bud-dhigeeda uu ka soo wareegatay 50-sano.

Iyadooo laga duulayo qiimaha Warbaahinta iyo ahmiyaddda ay u leedahay bulshada, waxaa 21-kii Janaayo sanadkii 1973-dii, loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta dalka,maadaama adeegyada warbaahintu ay yihiin kuwo toos u taabanaya ama diiradda u saaraya  horumarka dadka iyo dalka.

Ujeedka munaasabaddaan oo sanadkiiba mar la qabto,ayaa ah mid xambaarsan xasuusta dadkii wax ku oolka ah ee u soo dhabar adeygay jiritaanka saxaafadda Soomaaliyeed oo la tilmaamo in ay soo bilaabatay bartamihii qarnigii 20-aad.

Inkastoo burburkiii ka dhacay dalka uu saameyn xoogan ku yeeshay qeybaha warbaahinta dalka,haddana, labaatankii sano ee u dambeeyay ganacsato iyo aqoonyahanno kale oo soomaali ah , ayaa doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta dalka oo muddo badan ku soo jirtay caburin iyo cadaadis xad dhaaf ah.

Tallaabadaasi,waxa ay dhiirigalisay in gudaha dalka ay ka hanaqaadaan saxaafad xor ah oo kaalin wax ku ool ah ka qaadatay in qaybaha  bulshadu ay awood u helaan gudbinta fikradaha wax dhisa iyo kuwa dhaliisha ah ee loo jeediyo hoggaamiyaasha siyaasadda.

Waxaa shaki la’aan ah in Saxaaafaddu ay tahay seef laba afle ah oo loo adeegsan karo dhanka wanaagsan iyo dhanka xun,sidaa daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in qaybaha warbaahinta ay u howlgalaan meel marinta danaha dadka iyo dalka,isla markaana laga fogaado wax kasta oo carqalad ku ah dhameystirka geeddi-socodka loogu jiro dib u yagleelidda nidaam dowladnimo oo kaafiya dadka oo dhan.

Si loo helo Suxufiyiin howlkar ah oo ku wanaaagsan shaqada Warbaahinta, waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda maamulada warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha  qaybaha warbaahinta dalka.

Waa muhiin in xasuus gaar ah loo yeesho dadkii haldoorka  u ahaa aasaaska iyo horumarka warbaahinta Soomaaliya,waxana ka mid ahaa:-Maxamuud Jaamac Uur-doox, Xaaji Cabdi Ducaale, Soogare Maxamed Cadde,Xuseen Cabdi Farmashiye,Aadan Isaaq Timacade, Daahir Ibrahim Cabdi, yaasiin xaaji ismaaciil, Cabdi xaaji Gobdoon, Axmed ismaaciil Samatar, Mustafa Xaaji Nuur, Max’ed Faarax Xalane Dhaashane, Faaduma Hiirad Qalyayax,Faaduma Xaaji Faarax iyo kuwo kale,kuwaas oo lagu tilmaamo in ay ahaayeen wariyayaashii ugu horeeyay ee  gala diiwaanka xasuusta saxaafadda Soomaaliya.

Haddaba,Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,Wasiir ku xigeenka Mudane C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala iyo Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Mudane C/Laahi Xayir Ducaale ,iyagoo ka faa’ideysanaya xuska sanadguurada 50-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii warbaahinta,waxay dhambaal hambalyo ah u direen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan shaqaalaha warbaahinta dalka.

Madaxdaasi waxay gabagabadii u rajeeyeen shaqaalaha warfaafinta in sanadkaan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Shiroos

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Muqdisho (SONNA):- Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu soo baxay boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda, kuwaas…

GudahaWararka
August 17, 2025

NISA oo howlgal ku dishay 13 khawaarij ah

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen Isgoyska…

GudahaWararka
June 24, 2025

Wasiirka Howlaha Guud oo Wasiirka Dhallinyarada ku wareejiyay nashqadda dhismaha xarunta Wasaaradda cayaaraha “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa xafiiskiisa…

GudahaWararka
June 24, 2021

Ciidamada Xoogga dalka oo si rasmi ah loogu wareejiyay amniga Madaxtooyada Qaranka

Muqdisho-(SONNA)-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada, kaddib 16 sano oo walaalaha…

GudahaWararka
December 17, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023