Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
GudahaMaqaallada

Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda

By Kulane
Last updated: May 3, 2024
4 Min Read
Share

Maanta oo ku began 3-da May waxaa dalalka caalamka oo dhan ay u dabbaaldegayaan xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo ah maalin loogu talagalay in lagu muujiyo kaalinta saxafiga iyo xaqa  ay u leeyihiin in cid kasta ay gacan ku siiso habsami u socodka howlaha warbaahinta iyo guud ahaan badqabka qeybaha shaqalaha ee ururada saxaafadda.

3-da May waa maalin caalami ah oo loo aqoonsaday xoriyadda saxaafadda ,iyadoo la eegayo baaqa Qaramada Midoobay ee Xuquuqul  Insaanka,gaar ahaan qodobka 19-aad  ee soo baxay 1948-dii,kaas oo dhigaya ilaalinta xaqa ay dadku u leeyihiin Xorriyatul-qawlka.

Ujeedka guud ee xuskaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan muhiimadda xorriyadda saxaafadda iyo in dawladaha la xasuusiyo waajibaadka ka saaran dhawrista iyo ixtiraamka saxaafiyiinta.

Iyadoo laga ambaqaadayo kaalinta dowladaha ee ay ku leetihiin badqabka saxaafiga, sanad kasta waxaa la qabtaa shir ay soo abaabulaan hey’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay ,kaas oo looga hadlo qodobo la xiriira xorriyadda saxaafadda, gaat ahaan maamul-wanaagga, , isla xisaabtan la’aanta iyo doorka warbaahinta ay ku leeyihiin  la shaqeynta dalalka ka soo kabanaya colaadaha.

Labaatankii sano ee u dambeeyay warbaahinta dunida  waxay ku tallaabsatay  horumar ballaaran,kadib kolkii,isbadallo horumarsan lagu soo kordhiyay qalabka loo adeegsado saxaafadda,taasina waxa ay dhiirigalisay  in uu xoogaysto tartanka ganacsi ee  dhanka warbaahinta ah.

Haddaba,Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo mabd’a ahaan ka dhigan in si wadajir ah codka iyo ra’yiga loogu gudbiyo nuucyada warbaahinta wax daabaca iyo kuwa kale ee elektarooniga ah.

Xuska munaasabaddaan,waa mid loogu talagalay in lagu eego horumarka wanaagsan ee ay ku tallaabsadeen suxuufiyiinta iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ka soo hooyeen meelmarinta nidaamka shaqo ee ay u hayaan bulshada.

Saxaafadda waa muraayad laga  daawado horumarka dalka,sidaad daraadeed, warbaahinta Soomaaliya ee ka howlgasha gudaha,waxaa sanadihii u dambeeyay ay ka qeybgaleen dadaalada hordhaca ah ee loo galay geedi socodka nabadda ,dhismaha dalka iyo rajo soo celinta umadda.

Horumarka wanaagsan ee xilligaan ka muuqda  saxaafadda Soomaaliya, ,waxa uu saaciday in bulshada Soomaaliya, ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo kuwa kale ee lagu dhaliilo madaxda iyo hogaamiyaasha dalka.

 In lagu shaqeeyo dhexdhexaadnimo waa sida kaliya ee lagu ilaalin karo xoriyadda saxaafadda,waxaana waajib ah in Suxuufiga waxa uu gudbinaayo uu ku eego isha dhabta ah,si meesha looga saaro is-qabqabsi iyo hoos u  dhac kale oo wiiqa shaqadii warbaahinta .

Ogoow saxaafaddu waa  adeeg loo isticmaali karo  laba waji ,cid ayaad ku dulmin kartaa, marna wax ayaad ku dhisi kartaa ,sidaa aawadeed.ha ku sifoobin  aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano  gaar ah iyo kuwo shisheeye.

Isku day in aad u hiiliso cid kasta o u taagan dhismaha dowlad xilkeedu yahay soo celinta amniga iyo karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka,kana fogoow   in aad qeyb ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda ama dhinacyada kale ee ishaya.

Si loo gaaro xoriyad buuxda oo dhanka saxaafadda ah,waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta.

Anagoo ka faa’ideysaneya fursadda munaaasabaddaan ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska mmaalinta xoriyadda Saxaafadda Dunida,aawgeed, u direynaa suxuufiyiinta caalamka,gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ka howlgala qeybaha warbaahinta dalka.

Gabagabadii,waxaan u rajeyneynaa shaqaalaha iyo maamulada qeybaha Saxaafadda in ay halkaasi ka sii wadaan howlaha culus ee ay u hayaan umadda.

SONNA

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kumaandooska Danab oo Hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan Jubada Hoose

SONNA (KISMAAYO)- Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ee XDS ayaa Hawlgal Qorsheysan waxay Ka fuliyeen deegaanada kala ah Mayoondo…

GudahaWararka
December 19, 2021

Wafdi ka socda IGAD oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)- Waxaa maanta oo Khamiis ah soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayo Xoghayaha…

GudahaWararka
December 23, 2021

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay safar…

GudahaWararka
October 12, 2024

Golaha Shacabka oo ka dooday hindise sharciyeedka maalgashiga Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa Afaraad ,waxaana shir guddoominayay Guddoomiye ku…

GudahaWararka
July 17, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023