Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay qodobbo khuseeya horumarka dadka iyo dalka
    August 14, 2025
    Sadex kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah
    August 14, 2025
    R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika
    August 14, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo kulan gaar ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo Madaxda Bangiyada dalka
    August 14, 2025
    Madxda Maxkamadda Sare oo kulan muhiim ah la qaatay Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika
    August 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    ‘Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
GudahaMaqaallada

Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed

By Kulane
Last updated: May 15, 2024
5 Min Read
Share

Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horumarkiisa waa dhallinyarada oo aan looga maarmin difaaca ama ilaalinta dadka iyo dalka,kuwaas oo haddii la waayo waxqabadkooda ka dhigan ama keeni karta gaabis ama dib u dhac kale oo  ku yimaada dhanka horumarka,ilbaxnimada iyo arrimaha bulshada.

Inkastoo dagaallo gumeysi diid ah ay dhaceen qarnigii 15-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad,haddana,waxaa mudadii uu socday dagaalkii 2-aad ee dunida gudaha Dalka Soomaaliya ka bilowday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la doonaayey in meesha looga saaro wadamadii shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano dhaqaale,iyagoo adeegsanaya qaab gumeysi casri ah oo ka duwan xilligii is-adoonsiga ee dunida laga mamnuucay 1812-kii.

Sanadkii 1943-dii waa markii ugu horeysay ee gudaha Dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen kacdoonno siyaasadeed oo ay horkacayaan sadex iyo toban Dhallinyaro oo wax bartay,kuna mideysnaa Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed,kuwaas oo u howlgalay raadinta wadajirka umadda iyo baadigoobka  xornimo dhameystiran oo wada gaarta Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale dadaal lamid ah kan dhallinyarada ee Gobolada Koonfureed waxa uu ka dhacay Gobolada Woqooyi,kuwaas oo oo ay horkacayeen Ururka SNL(Somali National League), waxayna u howlgaleen raadinta midnimada Soomaaliyeed oo ay aasaaskeeda lahaayeen Ururka SYL.

Sanadkii 1947-dii waa markii labaad ee lagu dhawaaqay dhismaha Ururka Xoreynta Dhallinyarada Soomaaliyeed) SYL oo baddalay magacii Naadiga Dhallinyarada,wuxuuna  kulmiyay dadkii Soomaaliyeed ee doonaayey in la helo xoriyad.

Sanadkii 1948-ddii Ururka SYL,waxa uu awood u yeeshay in dhaqdhaqaaqyo gobanima-doon ah lagu  baaahiyo  guud ahaa gobolada dalka iyo deegaanada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida  Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Sanadkii 1949-kii Ururka SYL waxa ay  ku guuleysteen in qoraal ku saabsan xaaladda gumeysiga iyo sida ay u doomayaan xoriyad loo gudbiyo Xaruta Qaramada Midoobay,waxaana 1-dii April sanadkii 1950-kii Soomaaliya loo ogolaaday 10-sano oo xornimo gaarsiin ah oo dadka lagu barayo nidaamka dowladnimo ee loo soo halgamay.

Sanadkii 1956-60-kii,Ururka SYL ,waxaa ay hoggaamiyeen Dowladdii Daakhiliga ama ku meel gaarka aheyd,iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka ,odayaasha dhaqanka,haweenka, shaqaalaha muruq-maalka ah iyo aqoonyahanno kale,waxaana xiiligaasi suurtagashay in Ururka SNL ee gobolada Woqooyi ay qeyb ka noqdaan Raadinta midnimo Soomaaliyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah.

Waxaa dhab ah in dad badan oo ka mid ah qeybaha Bulshada ay naftooda ku waayey taageeridda dhaqdhaqaaqyadii Ururka SYL iyo ka qeybgalkii  kacdoonkii xoriyad doonka ee Soomaaliya,halka dhinaca kale la tilmaamay in ay jireen dad yar oo diidanaa in laga hoos-baxo gumeysiga oo la qaato xoriyad,kuwaasina waxay ahaayeen qaar taabacsanaa maamulkii gumeysiga ee soo maray Dalka.

Haddaba,15-ka May waa maalin qaran oo dalka Soomaaliya laga xuso aasaaskii Ururka gobanimo-doonka SYL, kaasoo ahaa ururkii ugu horeeyay ee dalka laga hirgaliyo,lana yimid halgan adag oo loo galay hanashada xoriyadda Dadka iyo Dalka.

Waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan kaalinta ay ku leeyihiin geeddi socodka barnaamijyada horumarineed ee Dadka iyo Dalka, iyadoo sidoo kale  ay waajib tahay in ay ka qeybqaataan  badbaadinta Umadda iyo raadinta qaran dhameystiran oo wax la qeybsada shucuubta caalamka.

Dhallinta ama jiilka cusub ee Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in ay la yimaadaan doorkii looga bartay Ururka Dhallinyarada SYL ,isla markaana ay la socdaan tabaha iyo xeelad kasta oo ay la iman karaan kuwa doonaya in dadku aysan ku tallaabsan barwaaqo iyo horumar.

Maadaama lagu jiro xilli adag ,cidda kaliya ee dalka gaarsin karta nabad iyo horumar waa dhallinyarada oo u baahan in la siiyo tallooyin wax ku biirin kara horumarka dalka,difaaca iyo soo celinta amniga.

Haddaba,xuska sanadguurada 81-aad ee ka soo wareegay aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed,aawadeed,waxaan halkaan ka direynaa dhambaal hambalyo ah oo ku socda Dhallinyarada meel kasta oo ay joogaan iyo xaalad kasta oo ay ku nool yihiin.

Ugu dambeyntii Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan u rajeyneynaa horumar iyo mustaqbal wanaagsan oo ifiya noloshooda.

SONNA

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay qodobbo khuseeya horumarka dadka iyo dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa kaas oo lagu…

August 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo sheegay in la mideynayo tababarrada Ciidanka qalabka sida

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee…

GudahaWararka
June 11, 2024

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Cafis u fidiyey Maxaabiis ku xirneyd Xabsiga dhexe ee Baydhabo

Baydhabo (SONNA) Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Cafis u fidiyey qaar kamid ah Maxaabiista ku…

GudahaWararka
December 18, 2022

Puntland oo soo saaray liiska Musharaxiinta ku tartamaya 11 kursi ee Aqalka Sare BJFS.

Muqdisho, (SONNA) Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdillaahi Dani, ayaa soo saaray liiska Musharaxiinta ku tartamaya 11 kursi ee…

Gudaha
August 10, 2021

Soomaaliya iyo Masar oo yeeshay wada-hadallo la xiriira qorshaha ka qeyb galka Masar ee AUSSOM 

Qaahira(SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Carabta Masar, kuwaas oo…

GudahaWararka
January 27, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023