Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed
GudahaMaqaallada

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed

By Kulane
Last updated: October 12, 2024
4 Min Read
Share

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 70-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigay naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.  

Xuska 12-ka Oktober waa maalin qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.

Soo Bandhigiddii Calanka.

Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.

, Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yiri”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Laakiin, markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday ,iyagoo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” waxeyna marmarsiinto ka dhigteen in aan la ogolayn calan dal leeyahay.

Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin,isku daygaasina uu yahay mid aan soo kordhineyn wax faa’iido ah.

Intaa kadib, Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib  maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali  midaysan.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 70- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo  Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:- “Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee  Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”

26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, 1dii luulyo 1960kii waxaa ka xoroobay gumaysigii Talyaaniga koofurtii dalka, islamarkaana waxaa israacay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, taasi dad badan oo Soomaali ah aysan ku baraarugsanayn, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta ardayda dugsiyada loogu dhigo lagu daro maaddo wadaniyadda ku saabsan, si ardayda loo baro qiimaha dalka iyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan halgamayaashii taariikhda galay iyo qiimaha calanka iyo astaanta dalku leeyahay.

W/D:- Gobdoon.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xukunka Kooxdii gaystay Dhimashada iyo Dhaawaca

Muqdisho(SONNA):-Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed, Axmed Ibraahim Axmed, Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud ( Oo Maqane ah), iyo Abshir…

GudahaWararka
February 19, 2024

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

  Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay…

GudahaWararka
October 13, 2025

Safiirka JFS ee Kenya oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka tirsan laamaha ammaanka garoommada dalka 

Muqdisho (SONNA):-Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka kenya Mudane Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tababar soo xiray Hawlawadeenno katirsan laamaha Amaanka…

GudahaWararka
December 8, 2023

Hadaf sarreeya, Himilo dhabowday iyo Hogaamiye daacad ah Xurmadle  Xasan Sh. Maxamuud (WARBXIN)

“Khawaarij Kabakutukade intii uu calaacalka iyo baroordiiqda ku jirey, waa tanaa khariidadii dhulka uu dulmiga ku joogey lagu qaban lahaa…

GudahaMaqaallada
August 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023