Muqdisho(SONNA):-munaasabadda maalinta Xoriyadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta guud ahaan ba laga xusayaa Caasimadda Muqdisho,Gobolada dalka iyo dhamaan degmooyinka oo dhan.
Sidoo kale dalalka qurbaha ayey Jaaliyaddaha Soomaaliyeed oo si weyn isu abaabulay ku qabsanayaan munaasbado iyo dabbaal degyo waaweyn oo lagu xusayo maalintan qiimaha badan.
Dabbaal degga ugu weyn ee maalintan lagu xusayo ayaa ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho halkaas oo Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane DR Xasan Sheekh Maxamuud kula dabbaal degi doono Kumaan ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo saaka subaxnimadii hore ba iska xaadiriyey Garoonka,madaxweynaha ayaa halkaas ka jeedin doona Khudbad dhinacyo badan taabanaysa taas oo ay ugu mudan tahay hawlgalada dib u xoraynta ee kooxaha Khawaarijta dalka looga xoraynayo iyo qiimaha maalinta xoriyadda ay ugu fadhido Shacabka Soomaaliyeed.
Waddooyinka Muqdisho ayaa waxa soo buux dhaafiyey kumanaan shacab ah kuwaas oo ku lebisan calanka sidoo kalena muujinaya Shucuur ay ku weynaynayaan qiimaha maalmaha xoriyadda.