Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xulka Gobolka Banaadir oo ku guuleystay tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Banaadir “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Xulka Gobolka Banaadir oo ku guuleystay tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Banaadir “SAWIRRO”
Wararka

Xulka Gobolka Banaadir oo ku guuleystay tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Banaadir “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 31, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Cayaarta kama dambeysta ah ee tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa galabta kulanka final-ka ah wada cayaaray xulalka kubadda Cagta Banaadir iyo Galmudug, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Banaadir iyo Galmudug, isla markaana sitay hal ku dhigyo ayaa si weyn u muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah ee la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka oo ahaa mid aad loo soo camiray, maadaama ay ahayd kulanka kama dambeysta ah ee tartanka ayaa waxaa cayaarta daqiiqaddii 1aad gool u dhaliyay xidiga N0, 11aad ee xulka Banaadir Nageeye Deeq, iyadoo daqiiqaddii 15aad uu kabtanka xulka Galmudug uu cayaarta ka dhigay 1-1.

Cayaarta oo ah weerar iyo weerar celis ayaa waxa ay labada dhinac soo bandigeen cayaar wanaag, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-1.

Qeybtii labaad ee cayaarta oo si dar darleh ku bilaabatay ayaa daqiiqaddii 52aad ee cayaarta waxaa Xulka Gobolka Banaadir uu dhaliyay goolka 2aad Xidigga Deeq Nageeye oo N0, 11 u wata Xulka Banaadir, waxaana uu cayaarta ka dhigay 2-1, waxaana Xulka Banaadir gool ku laad ka qasaariyay daqiiqaddii 75aad xidiga Ibraahin Ilyaas oo N0, 28aad u wata Xulka Banaadir.

Daqiiqaddii 86aad ee cataarta ayaa cayaartoyda Xulka Galmudug goolka u dhaliyay xidiga Muxudiin Jamaal oo N0.15aad, waxaana uu cayaarta ka dhigay bar bar dhac 2-2.

Cayaarta ayaa lagu kala baxay gool ku laad oo labada dhinac loo dhigay min shan, balse Xidigaha Xulka Galmudug ayaa iska qasaariyay saddex rigoore oo ay heleen, waxaana xidigaha Xulka Banaadir ay wada dhaliyeen saddexdii gool kulaad ee soo martay, sidaasna ayayna koobka ku hanteen.

Goolhayaha Xulka Gobolka Banaadir ayaa u suurta geliyay in Banaadir ay sanadkan hanato tartanka Dowlad Goboleedyada oo uu marti geliyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Liibiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Tripoli-(SONNA)-La-taliyaha sare ee Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Amb; Daahir Maxamud Geelle ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Liibiya, Maxamed Yonis…

GudahaWararka
May 1, 2024

Warbixin:Faransiiska oo lagu eedeeyay in uu ka gaabiyay wax ka qabashada xasuuqii Rwanda

Warbixin uu soo saaray guddi 15 xubnood ka kooban oo baarayay xasuuqii Rwanda ee dhacay 1994 ayaa lagu sheegay in…

Caalamka
March 27, 2021

Sii-hayaha Ra’isulasaaraha dalka Mahadi Maxamed Guuleed Qadar oo kormeeray Dekeda Muqdisho

Muqdisho:(SONNA)-Sii-hayaha Ra’isulasaaraha dalka Mahadi Maxamed Guuleed Qadar oo ay wehliyaan wasiirka Maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ,wasiirka Dekedaha…

Wararka
July 28, 2020

Midowga Afrika oo shaaciyay Dalalka uu saameeyay Coronavirus

Addis ababa-(SONNA)-Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah Dalalka Afrika ee uu gaaray caabuqa Coronavirus oo ka soo billowday…

Wararka
March 4, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023