Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaliya oo Digniin ka soo saartay Fadahaad uu samayn doono Webiga Shabeelle
Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Haya’adda maaraynta masiibooyinka ayaa ka digay Fatahaad waxyeelo sababi karta oo uu samayn doono Webiga Shabeelle maalmaha Fooda inagu soo haya.
Ra’iisul wasaare Saalax ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha Webiga Jiinkiisa ah iyo sidoo kale Goobaha Webigu ku sameeyo fatahaada xiliyadda Roobabka,sidoo kale Ra’iisul wasaare xigeenka ayaa sheegay in gobolada u direen Doomo lagu badbaadinayo Shacabka.
Ugu dambayn wuxuu Ra’iisul wasaare kuxigeenku baaq u diray in qurbejooga,ganacsatada iyo cid walba ka qayb qaadato gurmadka loo fidinayo Shacabka Waxyeeladdu ka soo gaartay Roobabka iyo Fatahaadaha Webiyadda.