Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/Laahi C/raxmaan Tootoole iyo wafdi ka socday Safaardda Sweden ayaa booqday suuqa xoolaha iyo xarumo kale oo qaabilsan bixinta adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin bulshada,gaar ahaan casrruurta iyo haweenka.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa wafdigaasi uga warbixiyay xaaladda caafimaad ee xoolaha,baahiyaha jira iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in xilligaan loo gurmado dadka ay saameeyeen abaaraha ee gobolkaasi.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Mudug ee dhinaca Arrimaha Samofalka Bulshada Bedel Liibaan Maxamed oo ka hadlay halkaasi ayaa codsaday in dowlada federaalka iyo heyโadaha samofalka ay u soo jeestaan sidii loo badbaadin lahaa dadka iyo xoolaha oo xilligaan wajahaya abaaro aad u daran
Booqashada wafdiga ka socday safaaradda Sweden ee Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay la xiriirtay la socodka halka ay marayaan mashaariic dhowr ah oo ay horay degmadaasi uga fuliyeen dowladda Sweden,kuwaas oo kala ah dhismaha suuqa xoolaha iyo xarumo kale oo loogu talagalay dhinaca samofalka bulshada.