Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka Burhaan Aadan Cumar oo sii wada kulammada latashiyada hordhac ah ee ku saabsan cutubka Maaliyadda ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda maamulka ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.
Kulankaan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka ayaa ujeedkiisu ahaa latashi hordhac ah oo ku aaddan arrimaha la xiriira Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dawladda iyo sida lagu xeerinayo cutubka Maaliyadda.
Kulamadaan latashiyada hordhaca ee ku saabsan cutubka Maaliyadda ayaa sii socon doona,iyadoo latashiyo lala yeelan doonno dhammaan hayโadda maaliyadda ee uu khuseyso qodobkaan.