Tababarkaan oo ay soo agaasintay hayโadda dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka Afrika ee Eisa ayaa waxa ay tababar ku saabsan qaabka doorashada u qabatay xubnaha cusub ee golaha deegaanka dagmada Gaalkacyo kuwaasi lagu barayay qaabka ay wax u dooranayaan.
Tababarkaan ayaa inta uu socday qaab tijaaba ah loo sameynay qaabka wax loo doorato si kor loogu qaado nidaamka doorashada iyo sharuudaha looga baahanayahay.
Xubahahaan ayaa markii ay soo gabagabowday ay la hadleen warbaahinta waxaana ay sheegeen inay waxbadan ka faaโideen kana heleen qibrad ay wax ku dooran karaa.
Xubnahaan oo ka koobnaa 27 ayaa shalay lagu dhaariyaya magaalada galkacyo kuwaasi oo ka kooban rag iyo haweenka waxaana wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ay xoogga saareysaa si nidaam hufan oo cadaalad ah looga dhisi laha golaha deegaanka Galkacyo.
ย ย