Muqdisho(SONNA):-Cabdi Cabdillaahi oo ahaa xubin ka tirsan kooxda Khawaarijta ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugan Gobolka Mudug gaar ahaa Magaalada Baxdo,
Dhagar qabahan ayaa kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa dhanka Caafimaadka gaar ahaan daawaynta dhaawacyada soo gaara horjoogayaasha kooxda Khawaarijta.
Kooxaha Khawaarijta oo la kulmaya Jab xooggan maalmihii u dambeeyey ayaa bilaabay in ay kala firxadaan iyadoo maalmahan ay isa soo dhiibeen tiradii ugu badnad ee khawaarij ah kuwaas oo isugu jiray horjoogayaal iyo Maleeshiyaad.