Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Xoojinta Iskaashiga Dowlad Wanaagga: Hantidhowrka Guud Muxuu Boqashadiisii Oslo, Norway, kala soo laabtay?
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xoojinta Iskaashiga Dowlad Wanaagga: Hantidhowrka Guud Muxuu Boqashadiisii Oslo, Norway, kala soo laabtay?
GudahaWararka

Xoojinta Iskaashiga Dowlad Wanaagga: Hantidhowrka Guud Muxuu Boqashadiisii Oslo, Norway, kala soo laabtay?

By Khadar Mahdi
Last updated: September 19, 2024
3 Min Read
Share

Oslo, (SONNA: Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa dhawaan soo gabagabeeyay booqasho aad muhiim u ahayd oo uu ku tagay magaalada Oslo ee dalka Norway, taas oo ay ujeedadeedu ahayd sare u qaadista wada-shaqaynta istiraatiijiga ah ee u dhaxaysa Xafiiska Hantidhowrka Guud (XHG) iyo saaxiibbada caalamiga ah. Booqashadan ayaa muujineysa sida ay Hantidhowraha Guud ee JFS uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee kor loogu qaadayo dowlad wanaagga iyo isla-xisaabtanka.

Hantidhowraha Guud iyo wafdigiisa ayaa, intii uu ku jiray booqashadaas, la qaatay kulan miro-dhal ahaa Hindisaha Horumarinta Hay’adaha Hantidhowrista Guud ee Caalamiga ah ee INTOSAI IDI, kaas oo diiradda lagu saaray ahmiyadaha istiraatiijiga ah ee qaab-dhismeedka taageerada laba-geesoodka ah, gaar ahaan qorsheynta istiraatiijiga ah iyo arrimaha la xiriira maareynta tayada.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey muhiimadda “Mashruuca Taageerada Saaxiibbada” (Peer-support Project), kaas oo ah heshiis wada-shaqayn oo u dhaxeeya XHG, IDI iyo Ururka Hay’adaha Hantidhowrada Guud ee Afrika ee ku hadla af Ingiriiska (AFROSAI-E). Heshiiskan waxa uu ku eg yahay sanadkan 2024, balse waxaa doodaha kulanka qayb ka ahaa in la sii wado, lana sii xoojiyo iskaashigaas sanadaha soo socda.

Intaas waxaa dheer in wafdigu uu la kulmay wakiillo sare oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway (MFA) iyo Wakaaladda Horumarinta iyo Iskaashiga Norway (NORAD).

Dhamaan wada-hadallada dhacay waxaa xudun u ahaa sii wadida taageerada ay Norway ku bixiso dib-u-habaynta dowlad wanaagga iyo hindisayaasha horumarinta maamulka maaliyadda guud ee dalka. Kulamada dhacay waxay fursado hor leh siinayeen sahminta meelaha ay Dowladda Norway sare uga sii qaadi karto kaalmada horumarineed ee Dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda XHG, iyada oo diiradda la saarayo horumarinta joogtada ah ee hay’adaha dowliga ah iyo maaraynta hufan ee khayraadka.

Booqashada waxaa, sidoo kale, qayb ka ahayd in Hantidhowraha Guud uu tagay Xarunta Baarlamaanka Norway, halkaas oo isaga iyo wafdigiisuba ay kula kulmeen Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee

Baarista iyo Arrimaha Dastuurka. Inta ay booqashadaasi socotay, labada dhinacba, waxay dul-istaageen sida ay uga go’an tahay dhiiragelinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo xoojinta dowlad wanaagga, waxa ayna diiradda saareen muhiimadda ay hay’adaha kormeerku u leeyihiin xaqiijinta la xisaabtanka dowladda, iyada oo uu Hantidhowraha Guud ka mahadceliyey waaya-aragnimada ay ka heleen Baarlamaanka Norway.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadu ma ahayn oo kaliya in Hantidhowraha Guud ee JFS uu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee uu XHG la leeyahay Norway, balse waxa uu bidhaamiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay dhisto haykalkeeda dowladnimo, iyada oo la kaashaneysa daneeyayaasha muhiimka ah oo dhan.

La macaamilka joogtada ah ee daneeyayaasha sida IDI, MFA, NORAD iyo Baarlamaanka Norway waa qayb aad muhiim ugu ah dadaallada socda ee uu XHG ku xoojinayo maaraynta maaliyadda guud iyo horumarinta dowlad wanaagga Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Morooko oo joojisay qaar ka mid ah duullimaadyadii tegi jiray dalkeeda

Rabat-(SONNA)-Marooko oo joojisay duulimaadyada 9 dal si looga hortago faafidda karoona Dowladda Marooko ayaa soo saartay go’aan ku meel gaar…

WararkaWargayska
February 23, 2021

Xuska Sanadguuradii 14-aad ee Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb+Sawirro

Dhuusamareeb-(SONNA)-Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Magaalada Dhusamareb uga Qaybgalay Munaasabada 14 Sano Guuradii ka…

WararkaWargayska
August 15, 2020

Taliska Ciidanka Xoogga oo faahfaahiyay qarax fulaynimo oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odaywaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo…

GudahaWararka
June 18, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray mashaariic cusub “Sawirro”

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane; Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarigga ka jaray xarunta Hooyada iyo…

WararkaWargayska
August 16, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023