Muqdisho(SONNA):-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Dhamme, Dr. Mustafa Xuseen Cabdulle, iyo Agaasimihii hore, Dhamme, Dr. Saddaam Cabdullaahi Cismaan, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Isbitaalka Xoogga Dalka.
Xoghayaha Joogtada ah ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore shaqadii hufnayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay, isagoo xusay kaalinta uu ka qaatay hagaajinta adeegyada caafimaad ee ciidanka iyo tayeynta shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka.
Sidoo kale, Xoghayaha ayaa kula dardaarmay Agaasimaha cusub in uu si hufan oo daacad ah u guto waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu xoogga saaro horumarinta adeegyada caafimaadka ee ciidanka, si loo xaqiijiyo in Ciidamada Qaranku ay helaan daryeel caafimaad oo waxtar leh
Munaasabadda waxaa goob joog ahaa, Agaasimaha Waaxda Adeegga Cafimaadka Ciidanka ee Wasaaradda, G/Sare, Dr Mahad Cabdullaahi Nuur, Dhaqaatiirta iyo howlwadeenada kala duwan Isbitaalka Xoogga Dalka.
