Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
GudahaMaqaalladaTechnologyWararka

Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 29, 2025
6 Min Read
Share

Heshiiskii hore ee Shirkadda ay Soomaaliya la gashay waxay ahayd inay 3 xirmooyin oo badda ah inay 3-D saysmik ah ka sameeyso, ku xijiso ceelal qodid badda ah. TPAO shaqada hadda u socoto waa baroosays-gareentii xogaha ay badda ka soo qaadday, iyo fasiraadooda. Weli ma dhamaynin hawshaas. Waxaan rajaynaynaa inay dhammaato sannad kan dhammaad kiisa. Ceelal qodidda Badweynta Hindiya waa hawl dhib badan farsamo ahaan iyo dhanka qarashka. Waxaa galayso dhowr Bilyan $, oo si sahlan aan loogu bareeri karin. Dhanka kale, si riski gaas loo qaato, waa inay la timaadaa shirkad kale, oo mataan (partner) shaqado ku yihiin, wadaagi karaan riskiga iyo qarashka. Illaa hadda maalgashade lama haayo. Sida muuqato hadda, TPAO wax yar ayay gaabisay, isla markaana ka walwashay in wajahdo qarash aad u weyn, oo culays ku ah Turkiye, mar hadday TPAO ay tahay shirkad dawladda Turkiye ay leedahay.

Sida uu qoray Jiloojiste Soomaaliyeed Prof. Cabdulqadir Abiikar Xuseen “Waa macquul shirkadda TPAO inay u weecato dhanka Barriga u dhow Xamar, Marka, Afgooye, Balcad oo ceelashii Sinclair ay ka qodday tilmaameen inay leedahay Gaas (Shidaal hawo ah). Xogahii hore ee shirkadaha American Oil Company (Amoco) iyo AGIP ee 1980 meeyadii ee xirmooyinkii 12, 9 iyo 6 ee waayahaas xog tooda waa nadiif, waxaana laga heli karaa CGG ee Wales, UK deggen. Xataa xogahii ka sii duugsanaa ee Sinclair isla meeshaas ayay yaalaan, oo TPAO ay ka soo gadan kartaa. Baaris saysmikeed oo degdeg ah way sameen karaan hadday Turkida rabaan. Gas (hawo ah methane iyo butane) ayaa laga heli karaa oo koronto iyo isticmaalka Guryaha laga sameen karo, waxaa laga yaabaa in laga helo shidaal dareere (liquid) ah oo dhuuman qaadaya shidaalka, laakiin u dhow badda (Terminal marso ah), u khaas ah oo dhoofinaya dibadda dalka”.

Profasoorku waxa uu qormadiisa ku tilmaamay ‘Ceelasha Shidaalka awgiis loo qoday’:
Afgoi-1 (Sinclair 1965)
Afgoi-2 (Ministry of Minerals and Water Resources 1984)
Afgoi-3 (Ministry of Minerals and Water Resources 1985)
Coriole-1 (Sinclair 1960)
Coriole-2 (Sinclair 1965)
Dobei-1 (Sinclair 1961)
Dobei-2 (Sinclair 1961)
Duddumai-1 (Sinclair 1959)
Merca-1 (Sinclair 1958)
Warsheikh (Sinclair 1967).

Prof. Cabdulqaadir ayaa waxa uu leeyahay, Xogaha shidaalka Soomaaliya yaa haya?.

Isagoo arrintaasi ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Xogaha shidaalka Soomaaliya xoogaa yar, oo kaseetooyin badda ah ay yaalaan wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland waxay haysaa xogahii lagu qoday Shabel-1 iyo Shabell-1 North, oo ka kooban saysmikis iyo well data.

Prof. waxa uu leeyahay Xogahii 1956-1990 waxaa haaya shirkadahaan:
1. CGG – Fugro Robertson – xogaha waddanka laga soo billaabo 1955 – 1990 (legacy data), oo ka kooban well data, gravimetric and magnetic iyo saysmik. Xogo aad u badan bay Soomaaliya ka haysaa, oo waayahii hore ah (legacy data).
2. Schlumberger: Xogo aad u badan bay Soomaaliya ka haysaa, oo waayahii hore ah (legacy data)
3. TGS (Badda Garacad-Raas Kaambooni) iyo Berbera (Berri iyo bad) oo casri ah (2005 iyo 2015-2017).

Sidaas oo kale, shirkadahii hore ee ka shaqeeyay soo-saarka shidaalka iyagana waxay haayaan xogo aad u badan. Waxaa ka mid ah BP, Shell, ExxonMobil, ConocoPhillips, ENI, Chevron iyo Total.

Haddaba si ay dowladda Soomaaliya u sii xoojiso dadaalada lagu doonayo sidii loo soo saari lahaa kheyraadka kala duwan ee dhex ceegaaga dhulka iyo Badda ayuu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Mohamed, oo hoggaamiyay wafdiga dowladda ah ayaa ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Cilmiga Dhulka iyo Tamarta (IMAGE) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Houston ee dalka Mareykanka.

Shirkaasi caalamiga ah ayaa isu keenay khubaro, ganacsato, iyo madax ka socda shirkadaha waaweyn ee tamarta iyo shidaalka, iyadoo Soomaaliya ay si gaar ah ugu bandhigtay fursadaha ballaaran ee maalgashiga ku jira Batroolka iyo Gaaska dabiiciga ah.
Wasiirka ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi iyo maalgashi hufan oo caalami ah, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay daah-furnaanta, isla xisaabtanka, iyo dhiirrigelinta maalgashi waara, si loo abuuro fursado dhaqaale iyo shaqo-abuur ballaaran oo shacabka Soomaaliyeed ka faaโ€™iidaystaan.

Kulamo gaar ah oo dhinaca shirweynaha ah ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa ay la yeesheen madax ka tirsan shirkado Maraykan ah oo ku takhasusay Batroolka iyo Gaaska, kuwaas oo lagu gorfeeyay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ganacsi iyo farsamo ee Soomaaliya iyo shirkadahaas.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa mar kale ku celisay in Soomaaliya ay tahay dal leh kheyraad dabiici ah oo badan, isla markaana ay furan yihiin dhammaan fursadaha maalgashi ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada bulshada, sida ay baahisay wakaladda wararka Soomaaliyeed ee (SONNA).

W.D. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Mareykanka oo Yurub kaga qeybgalaya shirar muhiim ah

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa gaaray Magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga,si uu uga qeybgalo shir madaxeedka G-20 ee looga hadlaayo…

Caalamka
January 7, 2023

IGAD oo mar kale sheegtay in ay ka goโ€™an tahay dhowrista madax bannaanida Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Xoghayaha Guud ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa markale caddeeyay sida ay IGAD uga goโ€™an tahay dhowrista madax bannaanida, midnimada…

GudahaWararka
September 17, 2024

Maxkamadda Ciidamada oo saaka xukun dil ah ku fulisay laba askari

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa markale saakay dil toogasho ah ku fulisay Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin…

Wararka
March 20, 2023

Madaxweyne Guudlaawe: waa in aan isugu tagno galbeedka Hirshabeelle si aan khawaarijta uga xorayno

Jowhar(SONNA):-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane…

GudahaWararka
August 10, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023