Muqdisho(SONNA):-Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomisay kalfadhiga 2-aad kulankiisa 3-aad ee Golaha Shacabka Baarlamanka jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya oo ay maanta goobjoog ahaayeen 141 Xildhibaan.
Kulanka waxaa hor yimid Guddiga Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS waxa ayna horkeeneen Golaha Xeer hoosaadka lagu dhaqayo Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ayaa ka hor aqriyay xildhibaanada xeerka ay soo diyaariyeen, Intaasi kadib Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay xeerka ay hor keeneen gudiga waxayna soo jeediyeen in Xildhibaanada fursad loo siiyo si ay usoo aqriyaan xeerka.
Ugu danbayntii Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo shirka guddoominaysay ayaa soo jeedisay in kulan Kan xiga looga doodi doono qodobada wax ka badalka u baahan.