Masegawaay, (SONNA): Wafdi uu hoggaaminayo Xildhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) ayaa maanta magaalada Masegawaay ee gobolka Galgaduud u tegay dardar gelinta dagaalka Khawaarijta iyo garab istaagga ciidamada howlgalka ka wada aaggaas.
Wafdigan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dastuurka Galmudug Mudane Daaโuud Maxamed Maalin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Yuusuf Cali Maxamed iyo masโuuliyiin kale ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay odeyaasha dhaqanka iyo dadka deegaanka.
Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul iyo wafdiga la socday ayaa kormeeray difaacyada ciidamada ku sugan jiidaha hore ee dagaalka, iyagoo sidoo kale deeq xoolo ah ku wareejiyay.
Xildhibaanka oo goob fagaare kula hadlay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa ku dhiiri galiyay in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta, isagoo sheegay in ay si buuxda u garab taagan yihiin.