Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan golaha shacabka iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Barre ayaa maanta gaaray deegaanka Lambar-konton ee gobolka Sh/Hoose, iyagoo halkaas kula kulmay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta ah.
Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji iyo Guddoomiye Maxamed Barre oo meel fagaare ah kula hadlay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan deegaankaas ayaa kula dardaarmay inay dardar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo uga mahadceliyey sida ay ugu guuleysteen in shacabka deegaanadaas ay ka badbaadiyaan dhagarta argagixisada.