Muqdisho (SONNA):- Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud “Xaadoole” oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka laamaha amniga iyo booliiska Qaranka ay ka qaadanayaan la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga caasimadda Muqdisho.
Mudane Xaadoole ayaa mar uu ka hadlayay golaha shacabka waxaa uu yiri: “Waxaa mahad iska leh ciidamada amniga iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka dhigay Caasimada meel nabdoon oo ku naaloonaysa nabad iyo xasilooni”.
Xildhibaanka ayaa ku nuuxnuuxsaday inay lagama maarmaan tahay in laga adkaado kooxaha nabad diidka ah, si shixnadaha gurmadka loo gaarsiiyo goobaha ay dhibaatadu ka dhacday, iyadoo dhulka la marinayo oo aan lagu soo qaadin diyaarado.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale bogaadiyay waxqabadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo yiri:
“Waxaan bogaadinayaa guulaha taariikhiga ah ee la gaaray toddobaadyadii la soo dhaafay, kuwaas oo ah qaadista Cunaqabateynta hubka ee dalka lagu soo rogay tan iyo 1992, Deyn Cafinta iyo ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika.”