Kuqdisho (SONNA) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Suleyman Maxamed Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Xeer Ilaaliye ku-xigeennada cusub ee dhowaan la qaatay.
Shirka oo ujeedkiisu ahaa u kuurgalka natiijada xagga fahamka dacwad oogista Maxkamadda horteeda ee kasoo baxday tababaro shaqo oo dhowaan u soo gaba-gaboobay Xeer ilaaliyeyaasha cusub ee uu Xafiisku qaatay.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa kula dardaarmay Xeer ilaaliyeyaasha in ay u gutaan waajibaadkooda shaqo si ay ku jirto dhaqan-wanaag, karti, daacadnimo, hufnaan iyo ku dhaqanka sharciyada dalka, si loo taamyeelo dowlad dhiska Dalkeena.