Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu waxyeeleynayo wadahadallada xabbad-joojinta ka dib saddex wiil iyo afar uu awoowe u yahay hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh oo lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ay ka geysatay waqooyiga Gaza.
ย Milatariga Israaโiil ayaa xaqiijiyay in ay dileen saddex wiil oo uu dhalay hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh, kaddib weerar cirka ah oo ka dhacay Gaza.
ย Afar caruur ah oo uu awoowe u ahaa ย Ismaaciil Haniyeh ayaa sidoo kale maalimnimadii shalay ee bilowga ciidda lagu soo waramayaa in lagu dilay duqeyn ka dhacday xerada Shaati .
Haniyeh ayaa u sheegay Al Jazeera in dilalkaasi ay yihiin falal waxshinimo ah oo lagu beegsanaayo caruurta,isagoo tilmaamay in dhaqamada Israel aysan hor-istaagi doonin hadafkooda.
Madaxweynaha Mareykanka oo la kulmay dhaleeceyntii ugu adkeyd ee dagaalka Gaza ayaa Israel u sheegay in ay ku dhawaaqaan xabbad joojin,isagoo dhinaca kale howlgalada milatari ku tilmaamay ย inay yihiin khalad.
ย Dadka reer Gaza ee la daalaa-dhacaya dagaalka iyo gaajada ayaa kaqeybgalay xuska dabbaaldegga Ciidul-Fidriga ,iyadoo Israa’iil ay sii waddo weerarada cirka ee lagu xanibaayo cunnada la geeyo Gaza .ย