Xaflad ballaaran oo loo soo agaasimay si heer sare ah,isla markaana lagu soo dhoweynaayey musharrax AJ Cawada oo u tartami doono xilka duqa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa lagu qabtey caasimadda Gobolkaasi ee Minnesota .
Xafladan oo ay ka soo qeyb galeen masโuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Minnesota, ururrada bulshada iyo marti-sharaf kale ayaa ahayd mid dhammaan dadkii xafladda ka hadlay ay isku raaceen in la joojo xilligii qof Soomaali-Mareykanka ah uu u tartami lahaa xilka duqa magaaladaasi maadama halkaasi ay ku nool yihiin Soomaali badan.
Musharrax AJ Cawad ayaa sheegay in uu sababta uu xilkasta isugu sharraxay ay tahay kaddib markii uu arkey baahid Soomaalida-Mareykanku u qabaan in ay heleen duqa iyaga matala oo dareensan baahida ay qabaan iyo dhibaatooyinka kala duwan ee ay tirsadaan kuwaasoo in badan waxba laga qaban.
Soomaalida gobolka Minnesota ayaa horey guulo taariikh ah ka gaarey kuwaasoo hadda ka tirsan senadka iyo xildhibaanada gobolka Minesota,taasoo muujineysa in Soomaalida g ay diyaar u yihiin in ay bulshadda la wax la qeybsan karaan.
Wakilka War-baahinta Qaranka Minnesota.Abdixakin Ismaaciil