Muqdisgo.SONNA…Masuuliyiinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS iyo madax kale oo ka socday Shirkadaha diyaaradaha ayaa ka qeybgalay xaflad lagu soo bandhigayey daahfurka shirkadda Daallo oo sanadkaan loo xilsaaray in ay daabusho Xujeyda Sanadkaan.
Xafladdaan oo ka dhacday Hoteel jasiira,waxaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa adeegyada lama huraanka ah ee ay u naahan yihiin xujeyda sanadkaan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Maxaed Xaaji Ibraahim oo ka hadlay xafladdaasi ayaa kula dardaarmay maamulka shirkadda Daallo in ay waajibkooda u gutaansi daacadnimo ah oo ay ku dheehan tahay Soomaalinimo.
Sidoo kale waxaa xafladdaasi ka hadlay madaxa howlaha duulimaadka Shirkadda Daallo Maxamed Sheekh Yuusuf,isagoo ballanqaaday in dad gaaraya 11500 oo qof ay u sameyn doonaan adeeg hufan.