Muqdisho, (SONNA): Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir horgeeyay Ertugrul Karafiyeli oo ah Madaxii Shaqada iyo Shaqaalaha ee Shirkadda Favori, ahna muwaadin u dhashay dalka Turkiga.
Eedaysanaha ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira anshax xumo, handadaad, xadgudub, iyo ku tagrifal awoodeed oo uu kula kacay shaqaale Soomaali ah oo ka tirsan shirkadda Favori.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa ku dooday in ficillada masโuulkan ay si cad uga hor imaanayaan xeerarka shaqada ee dalka iyo hab-dhaqanka suuban.
“Maxkamadda, markii ay ku qanacday caddeymaha hordhaca ah ee uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa amartay in eedaysanaha lagu hayo xabsi ku meel gaar ah,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.