Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay in khatarta uu leeyahay cudurka Omicron uu yahay mid aad u sareysa,ka dib markii tirada kiisaska dunida ee COVID-19 ay kor u kacday 11 boqolkiiba todobaadkii hore.
Warka ayaa imaanaya iyadoo dhowr waddan oo Yurub ah, oo ay ku jiraan France, UK, Italy, Greece, iyo Portugal ay la tacaalayaan caabuqa cudurkaasi oo u faafaya si xowli ah.
Dalka Mareykanka ayaa la sheegayaa in lagu arkay 440.000 oo xaalado cusub ah,halka Dalka Faransiiska uu soo gudbiyay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la helay180,000 oo xaaladood .
Warbixin cusub oo todobaadle ah oo ay soo saareen WHO ayeey ku sheegtay in ย ย caddaynta joogtada ah ay muujinayso in kala duwanaanshaha Omicron uu leeyahay xaalad koritaan ah oo degdeg ah oo ka sarreeya kala duwanaanta Delta oo leh labanlaab.