Munaasbaad lagu maamusayay wax qabadka taliyaha ciidanka Aluubta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Muqdisho taasi oo ay ka qeyb-galeen sii hayaha Wasiirka Cadaalada Dalka, masuliyiin ka tirsan labada Gole,saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka iyo koofur galbeed.
Sii hayaaha Wasiirka Cadaalada Soomaaliya Abukaate Xasan Xuseen xaaji oo ka hadlay munaasabaddaasi ayaa sheegay in iskaashi weyn ka dib lagu guleestaay in xabsiyo laga dhiso Gobolada dalka waxaana sidoo kale uu bogaadiyay wax qabadka taliska ciidanka asluubta ee uu hogaamiyo taliyaha ciidanka Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Maareeyaha guud ee wakaalada horumarinta dhismaha Soomaaliyeed S\Guud Bashiir Maxamed Jaamaca oo isna ka hadlay halkaasi ayaa xusay in Gen Mahad uu dhameystiray howlihii shaqo ee ciidanka Asluubta horyaalay.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa dhiniciisa qiray in shaqo waliba oo la qabtay gacan ay ku siyeen saraakiisha ciidanka asluubta iyo shacabka Soomaaliyeed .
“Aad ayaan uga mahadcelinayaa saraakiisha ciidamada ee garab igu siisay inaan masuuliyada sidii loogu talagalay aan uguto la’aantoodna saraakiishasi ma jirin wax ii suura gali karay .ayuu hadalkiisa ku daray taliye Mahad Cabdiraxmaan aadan.