Muqdisho(SONNA):-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Mudane. Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxman Yuusuf Al-cadaala ayaa maanta ka qeyb galay shirka khamiis laha ee hoggaamada iyo fadhiya madaxa banaan ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Shirka ayaa lagu bogaadiyay wax-qabadka shaqo ee hay’adaha amaanka oo ugu horeeyo ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan sugidii Amniga guud, xiligii Ramadaanka, imtixaanaadka, la dagaalanka burcadda iyo Khawaarijta.
Ciidanka Boliiska, NISA iyo Boolis Militare ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay horgelinta xeerka xakameyn Hubka ee Caasimadda, iyadoo bogaadinta Wasiirrada uu ka mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto. Sulub Ahmed Firin.