Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Muxuu yahay heshiiska cusub ee wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda XFS uu saxiixay?
    March 29, 2026
    Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka XFS oo shir muhiimka qabatay
    March 29, 2026
    Ciidamada Qalabka sida oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Daynuunay
    March 29, 2026
    Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay
    March 29, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya
    March 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiiru-dawlaha Boostada & Isgaarsiinta XFS oo dalalka Afrika uga warbixiyay dadaallada dawladda ee baahinta aqoonta tiknolojiyada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiiru-dawlaha Boostada & Isgaarsiinta XFS oo dalalka Afrika uga warbixiyay dadaallada dawladda ee baahinta aqoonta tiknolojiyada
Wararka

Wasiiru-dawlaha Boostada & Isgaarsiinta XFS oo dalalka Afrika uga warbixiyay dadaallada dawladda ee baahinta aqoonta tiknolojiyada

By Sonna Whiteka
Last updated: December 6, 2019
3 Min Read
Share

Accra – Ghana, (SONNA) Wasiiru-dawlaha Boostada, Isgaarsiinta, & Teknolojiyada, Mudane C/llaahi Bile Nuur, oo ka qeyb galayay shirka heer wasiir ee Hal-abuurka Teknolojiyada ee Afrika ee galinkii dambe ee shalay lagu soo gabagabeeyay caasimadda dalka Ghana ee Accra, ayaa ka warbixiyay dadaallada Wasaaraddu ee la xiriira sidii loo horumarin lahaa aqoonta iyo helitaanka internetka ee dalka.

Wasiiru-dawlaha oo dood-wadaag kala qeyb galayay qaar ka mid ah wasiirrada isgaarsiinta Afrika ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay Wasaaraddu ka qabatay sidii loo baahin laha helitaanka internetka iyo horumarinta xirfadaha teknolojiyada, isagoo tusaale u soo qaatay qodobadan:

▪ Dalka waxaa soo gala 3 xarig oo internet, waxaana socda qorshaha 2 xarig oo kale lagu keenayo, kuwaas oo marka ay wada hirgalaan kordhin doona helitaanka, qiimaha iyo tayada adeegga internet ee dalka.

▪ Wasaaradda oo kaashaneysa Bankiga Adduunka waxay u fududeysay in qaar ka mid ah wasaaradaha dawladda federaalka iyo kuwa heer dawlad-goboleed iyo qaar ka mid ah jaamacadaha dalka ay helaan adeeg internet.

▪ Wasaaraddu waxay waddaa qorshe lagu dhisayo Xarunta Hal-abuurka Teknolojiyadeed ee dalka (Somalia National Innovation Centre – SO NICE), taas oo noqon doonta goob xiriirisa xarumaha hal-abuurka dalka oo la doonayo in la gaarsiiyo heer degmo iyo in jaamacad kasta ay u furto ardeydeeda si ardeyda ka soo baxaysa jaamacadda ay u abuuran karaan shaqooyin.

▪ Waxaa dhowaan Golaha Wasiirradu uu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada, taas oo ahmiyad gaar ah lagu siiyay sidii teknolojiyada loogu isticmaali lahaa waxbarashada iyo adeegyada kale ee loo adeegsado teknolojiyada.

▪ Wasaaraddu waxay dib u hawl-gelisay Machadkii Isgaarsiinta Qaranka oo loogu talo galay inuu qeyb ka noqdo dadaallada lagu baahinayo aqoonta iyo xirfadaha teknolojiyadeed ee dalka.

Wasiiru-dawlaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa intii ay joogeen shirka waxay sidoo kale la kulmeen wasiirro, hay’ado iyo shirkado ka shaqeeya horumarinta aqoonta teknolojiyada iyo hal-abuurka si la isku weydaarsado waaya-aragnimada iyo teknolojiyadda loo adeegsado kobcinta aqoonta teknolojiyada.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen wasiirrada waxbarashada iyo isgaarsiinta ee qaaradda Afrika waxaa looga hadlayay kaalinta ay teknolojiyadu ka qaadan karto horumarinta waxbarashada, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay sida shirkadaha gaarka ah gacan uga siin karaan dawladaha Afrika dadaalladooda ku aaddan aqoonta teknolojiyada.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Muxuu yahay heshiiska cusub ee wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda XFS uu saxiixay?

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis…

March 29, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Waare oo magacaabay Guddiga fsoo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle , Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu Magacaabay Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka…

WararkaWargayska
August 29, 2020

Ra’iisul wasaare Xamsa oo labo wasaaradood iyo guddoomiyaha Baanka Dhexe ka guddoomay ballanqaadka qorshe howleedkooda 2023

Muqdisho (SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023,…

GudahaSiyaasaddaWararka
December 22, 2022

Wasiir Fiqi oo shirka madasha Oslo kaga hadlay mashaariicda ay DF ugu tala gashay deegaannada laga xoreeyay khawaarijta

Oslo-Norway)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo safar shaqo ku jooga Norway ayaa…

GudahaWararka
June 14, 2023

Dowladda maraykanka oo si adag u taageertay midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Mareykanka ayaa cadeysay in aysan waxba iska badalin siyaasaddeeda ku aaddan Soomaaliya, isla markaana si buuxda u taageersan tahay…

GudahaWararka
December 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023