Muqdisho.(SONNA)…Wasiirka Maaliyadda XFS, wasiirka howlaha guud ย iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono magaalooyinka dalka.
Heshiiska ay mausuliyiinta wada saxiixdeen ayaa magaalooyinka lagu dhisidoono waxa kamid ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe iyadoo qeybta magaalada Muqdisho uga soo aaday ay tahay ku dhawaad 28-Milyan.
Wasiirka wasaarada Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucaanย uu qeyb ka yahay deyn cafinta oo dowladdu ku bixisay dadaal sidii dalka looga cafin lahaaย miradhalkeedana uu heshiiskaan lagu hormarinayo Magaalooyinka uu qeyb ka yahay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay ahmiyada mashruucani,waxaa uuna sheegay in ay tahay tilaabo xaga hormarka looqaaday islamarkaana ay soo dhaweynayaan.
Wasiirka wasaaradda howlaha guud ee XFS mudane Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu tilmaamay in dowlada federaalka Soomaaliya ay gudaha dalka kawado mashaariic kala duwan oo lagu horumarinaayo dib udhiska dalka.