Muqdisho.SONNA….Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka , midowga Jaamacadaha iyo culima’udiin ayaa xala ka qeybgalay kulan afurin ah oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Imaamu Shaafici ee Magaalada Muqdisho.
Kulankaasi waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax C/qaadir, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga XFS C/Fataax Qaasim, Qunsulka Guud ee Safaaraffa Suudaan ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax C/qaadi oo ka hadlay kulankaasi ayaa si gaar ah uga mahadceliyay dadaalka Dowladda Suudaan ay ka geysatay soo saaridda macalimiin Soomaaliyeed oo gacan ka geystay horumarinta waxbarashada dalka.
Wasiirku waxa uu rajeeyay shacbiga Suudaan in uu Alle ka dulqaado dhibaatooyinka ay sababeen dagaalada sokeeye ee ka taagan dalkaasi.
Kulankaasi afurinta ah ayaa ahaa mid la xiriiray xog kala qaadasho iyo iswareysi guud,waxaana gabagabadii lagu soo qaaday arrimo badan oo ay kamid ahaayeen xagga waxbarashada,xoojinta xiriirka wadashaqeyneed ee dhinacyadaasi iyo sida loo heli karo manhajyo horumrsan iyo macalimiin leh taayo wanaagsan