Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Ankara kulanka kula qaatay Wasiirka Waxbarashada ee Turkiga, Mohmut Ozer.
Wasiirku waxa uu dawladda Turkiga uga mahad celiyay kaalmada hagar laโaanta ah ee ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed. Waxa uuna la wadaagay qorshaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ee ku wajahan baahinta iyo tayaynta waxbarashada si loo soo saaro jiil wax-tar leh.
Sidoo kale waxa uu wasiirku kulan la qaatay madaxa Golaha Tacliinta Sare ee Turkiga, Prof Erol Ozvar waxa uu wasiirku uga mahad celiyay kaaalmada Jamacadeed ee Turkiga u fidiyeen ardayda Soomaaliyeed.
Afar milyan oo caruur Soomaaliyeed ah ayaan maanta haysan fursad waxbarashadii aasaasiga ahayd, waana baahi weyn oo in deg deg wax looga qabta u baahan.
Waxaa kulamada wasiirka ku wehliyay Danjire Jaamac Caydiid, safiirkeenna Turkiga iyo Sharaf Xasan, u qaybsanaha arrimaha waxbarashada.