Muqdisho (SONNA):ย Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, Cabdulqaadir Maxamed Xasan ayaa u gudbiyay Wasiirka tallooyin lagu horumarinaayo waxbarashada hoose ee Gobolka Banaadir, isaga oo bogaadiyay dedaallada Wasaaradda Waxbarashada ee horumarinta iyo baahinta waxbarashada.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bogaadiyay guushii uu kusoo idlaaday imtixaankii dugsiyada sare ee dalka, kaas oo dhawaan ay dalka ka qabatay Wasaaradda Waxbarashada.ย