Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaskii marxuum ex Janaraal Axmed Jaamac Muuse
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaskii marxuum ex Janaraal Axmed Jaamac Muuse
Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaskii marxuum ex Janaraal Axmed Jaamac Muuse

By Kulane
Last updated: March 11, 2021
6 Min Read
Share

Wasiirka Warfaafinta XFS Cusmaan Abokor Dubbe ayaa manta ka qeyb galay aaska AUN Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Axmed Jaamac Muuse oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wasiirku waxa uu ka waramay waxqasbadkii marxuumkaasi  iyo dadaalkii uu u soo galay horumarka Boliiska,isagoo xusay in muddo 70-sano ah uu ku jiray howlaha ciidanka Boliiska,isla markaana uu Ka soo shaqeeyay xafiisyada qeybaha boliiska

Mudane Dubbe,waxa uu marxuum Axmed Jaamac Ilaah uga baryaey in uu Janadii Fardowsa ka waraabiyo ,eheladii iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxyna samir iyo iimaan.

Taariikhdii Gen. Axmed Jaamac Muse (Wuxu Boolis ahaa 69 sanadood (1952 illaa 2021)

General Axmed Jaamac Muuse wuxu 1935 ku dhashay magaalada Cadan, ee Dalka Yemen. Aabihii Jaamac Muuse oo Reer Ceerigaabo ahaa ayaa magaala xeebeedka Xiis iyo Cadan u kala gooshi jirey. Axmed wuxu dugsiga quraanka ka galay Cadan waana halka uu kula kulmayo halgamaagii weynaa ee Sheekh Bashiir. Axmed markii uu dugsiga sare ka baxay wuxu galay dugsiga tababarka Booliska Cadmeed sanadkii 1952dii. Sidaas ayuu Gen. Axmed Jaamac ku noqday Booliska ugu da’weyn Dhulka Soomaalida.

1957dii ayuu yimi Muqdisho, wuxu ka sheekayn jirey noloshii Muqdisho ee xiligaas oo ay ugu caansanayd maqaaxidii lambar 4 ku oolli jirtay ee Cabdilahi Cosoble ee digaaga laga cuni jirey. Sida uu Janaraalku nooga sheekeeyey xiligaa (1957) Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir waxa ahaa Gen. Maxamed Siyaad Barre isaga oo xukumi jirey Baraawe, Marka, Xamar illaa Jowhar maaddaama xiligaas Banaadir la’ isku wada odhan jirey.

Dhinaca waxbarashada Axmed Jaamac wuxu wax ku soo bartay waddamada Maraykanka, Talyaaniga, Ingiriiska, Cadan iyo Ruushka. Waxaanu si fiican ugu hadli jirey luqadaha Carabiga, Ruushka, Talyaaniga, Englishka iyo Afkiisa Hooyo ee Soomaaliga. Jaamacadaha caanka ah ee uu ka qalin jebiyey waxa kamid ah kuliyadda Booliska Ingiriiska ee Hendon. Waxa kale oo takhasus ku saabsan dembi-baadhista mar labaad u tegey Ingiriiska. Intaa kaddib wuxu Booliska Cadan ka soo noqday taliyaha Taraafiga, taliyaha tababarada booliska iyo taliyaha CID da.

1967 ayuu Axmed Jaamac u soo wareegay Booliska Soomaaliya. Waxa ku dhiiri geliyey Gen. Maxamed Abshir Muse Taliyihii Booliska Soomaaliyeed oo 1954kii ay Cadan isku barteen. Gen Maxamed Abshir ayaana ku qanciyey in uu u soo wareego Booliska Soomaaliyeed, xiligaasna Yamanta Koonfureed aad ayay u qasnayd. Gen. Qoorsheel ayaa isaguna si weyn dalka ugu soo dhoweeyey. Janaral Axmed Jaamac waxa isla markii uu soo wareegayba laga dhigay Taliyaha Ciidanka CID-da Soomaaliyeed. 26kii October 2017-kii markii uu geeryooday General Maxamed Abshir maqaal baroor-diiq ah oo uu General Ahmed Jaamac ku sagootiyey saaxiibkii wuxu ku dheeraaday hoggaamintiisii toosnayd iyo aragtidiisii fogeyd. Waana Taliyihii dhisay buu yidhi inta badan xarumaha iyo guryaha Booliska.

General Axmed Jaamac markii uu yimi Xamar saraakiishii soo dhoweysay ee saaxiibtinimadoodu waartay waxa kamid ahaa Raisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo kamid ahaa saraakiishii sar sare ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, 12 sano ayay labada sarkaal ee Nuur iyo Axmed saaxiib iyo isku xafiis ahaayeen, Nuur Cadde isaguna wuxu isla xanuunkan Coronavirus-ka ugu geeryooday London sanadkii hore isla waqtigan oo kale. Gen. Axmed Jaamac mar kasta wuu ka sheekayn jirey aqoontii iyo akhlaaqdii wanaaagsanayd ee Nuur-cadde.

General Axmed Jaamac Muuse 1973dii ayaa 4 sanadood oo dambe loo diray Ruushka si uu u soo barto Boolisnimada, gaar ahaan dhinaca Hantiwadaaga. 1989kii ayaa loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Janaraalku toban sano kahor ayuu ka soo guuray Dalka Maraykanka si uu inta cimrigiisa ka hadhay ugu adeego shacabkiisa isaga oo ah askari boolis ah, illaa hadda oo cimrigiisu ahaa 87 sanona wuu shaqaynayey oo subax kasta 7da subaxnimo ayuu u shaqo tegeyay Taliska Guud ee Booliska oo uu mar madax ka ahaan jirey.

Gen. Axmed Jaamac wuxu ahaa askari, sarkaal iyo aabbe wanaagsan, sidoo kale wuxu ahaa Soomaali ay ku wayn tahay Soomaalinimadu (true patriot and unwavering soldier). Wuxu necbaa qabyaadda, dadka Soomaaliyeedna isugu mid bay ahaayeen, waana sababtaas sababta qof kasta oo Soomaali ah oo yaqaannay uu u jeclaa Janaral Axmed Jaamac.

17kii July 2019 ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo u magacaabay xubin kamid ah guddida wada-hadalada Somaliland iyo Dowladda Federalka Soomaaliya. Guddidaas oo uu illaa hadda katirsanaa.

Ugu dambayn maanta ayaanu soo aasnay sarkaal Booliskii ugu da’da weynaa uguna aqoonta badnaa dhammaan geyiga Soomaaliyeed. Dardaaranadiisii ugu dambeeyey waxa kamid ahaa ‘4.5 ciidan qaran kuma dhismi karo’ ciidan wuxu dhismi karaa marka loo dhiibo qofka ugu fiican ee shaqada qaban kara ee aqoonteedii, waaya aragnimadeedii, kartideedii iyo hoggaaminteedii leh’’

Ilaahay ha u naxariisto Janaral Axmed Jaamac Muuse

WQ: Cismaan Dubbe.Wasiirka Warfaafinta JFS

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada Xorriyadda dalkeenna ee 1da Luulyo.

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada Xorriyadda dalkeenna…

Gudaha
June 30, 2021

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo kaalmo raashin ah ku wareejisay maamulka gobolka Gedo

Muqdisho (SONNA): Munaasabadd kooban oo ka dhacday Baqaarka kaydka raashinka hay’adda maareynta musiibooyinka ayaa maanta Guddoomiyaha hay'adda mudane Maxamuud Macallim…

GudahaWararka
January 31, 2024

Dowladda Ingiriiska oo Soomaaliya ka cafisay deymihii ay ku laheed

Muqdisho (SONNA): Dowladda UK oo kansashay dhammaan deymihii ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya. Artinkan ayaa yimid kadib kulan muhiim ah…

GudahaWararka
April 9, 2024

Ganacsato Soomaali ah oo daneynaya in ay maalgashi ku sameeyaan Jabuuti

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Dalka Jabuuti iyo ganacsato Soomaali ah ayaa caasimadda dalkaasi ku soo gabagabeeyay shir looga hadlaayey sidii…

Gudaha
May 30, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023