Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka warfaafinta XFS iyo wakiilka midowga Afrika oo faahfaahin ka bixiyey hawlgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka warfaafinta XFS iyo wakiilka midowga Afrika oo faahfaahin ka bixiyey hawlgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay
GudahaWararka

Wasiirka warfaafinta XFS iyo wakiilka midowga Afrika oo faahfaahin ka bixiyey hawlgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay

By SB
Last updated: January 25, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wakiilka Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef,oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa warbaahinta la wadaagay hawgaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka,kuwaas oo khasaare weyn loogu geystay kooxda khawaariijta Al-shabaab.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika ahna madaxa hawlgaladda ATMIS ayaa sheegay in Beesha caalamku bogaadinayso hawgallada dalka ka socda kuwaas oo dalka looga ciribtirayo kooxda khawaariij,wakiilka ayaa sheegay in ay jirto ka goโ€™aanshiiyo dagaalka ah iyadoo la arkayo Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka,Raโ€™iisulwasaaraha iyo golaha wasiirdda oo jooga furimaha dagaalka.

Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac wasiirka Warfaafinta ayaa warfidiyeenada u sheegay in muddo 24 saac guddahood ah Ciidanka Xoogga oo kaashanaya Shacabka deegaanka ay degmooyinka Galcad,Xarardheere iyo Ceeldheer kaga saareen kooxda khawaariijta,degmooyinkan ayaa ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud,iyadoo degmooyinkani mudo 15 sano ah gacanta ugu jireen kooxda khawaariijta,shacabka degmooyinka hadda dareemaya neecow xornimo iyo adeegyadii dowladda oo la gaarsiiyey,sidoo kale degmadda Galcad ayaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta dagaal dhacay ka dib markii khawaariijtu isku da’yeen in ay weeraraan Saldhig Ciidanka Xooggu halkaas ku lahaa,ciidanka Xoogga ayaa dagaalkan waxa kaga shahiiday 7 Askari oo uu ku jiro Taliye kuxigeenkii Ciidanka Danab Gaashaanle Xasan Tuure,Madaxweynaha JFS iyo madaxda Qaranka ayaa uga tacsiyeysay eheladda iyo shacabka Soomaaliyeed shuhaddada dhiigooda u huray difaaca dalkooda.

Deegaanka Beer-faarax oo ka tirsan degmadda Xarardheere kagana beegan dhanka waqooyi waxa isla toddobaadkan hawlgal Ciidanka Xooggu fuliyeen lagu dilay 70 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta oo halkaas ku dhuumanayey.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha dhexe dagaal ka dhacay lagu dilay 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta,halka dhinaca Ciidanka xoogga ay kaga shahiideen 5 Askari,sido kale deegaanka Beerta Sheekh Qaasim oo ka tirsan Tuulada Dhagaxow hawlagal ay si wada jirka ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxa lagu dilay 70 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta Al-shabaab.

Hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka xoogga iyo Ciidanka hawlgalka midowga Afrika ATMIS kaas oo ka dhacay gobolka shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanka Danow ayey ku dileen 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta,wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hawlgal ka dhacay deegaanka Goof-guduud oo ka tirsan gobolka Baay lagu dilay 34 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta, Ciidammada amniga ayaa sidoo kale lix xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay xarunta Gobolka Banaadir kadib markii ay halkaasi soo weerareen argagixisada,halka 5 qof oo rayid ah oo uu ku jiro samafale aragga laโ€™aa uu halkaas ku geeriyooday,wasiirka ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay in hawgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay kooxda khawaariijta ah looga dilay 323 xubnood.
Wasiirka ayaa dhinaca kale hadlay safarkii madaxweynaha Jamhuuriyaddu Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay caasimadda ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka koonfur-galbeed,halkaas oo uu Madaxweynuhu kaga dhawaaqay in wejiga xiga ee hawlgalada lagu ciribtirayo khawaariijta Al-Shabab ay ka dhici doonaan Dowladda Goboleedyada Koonfuur Galbeed iyo Jubaland,baaqa nadaxweynaha ka dib waxa bilowday hawlgallo lagu beegsaday Khawaarijta ayaa dhowaan degaannadaasi ka dhacay,waxaa kale oo uu Madaxweynaha JFS kormeer dhiirigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad oo u diyaar garoobay dagaalka lagu soo afjarayo khawaarijta.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo in ka badan 300 culumo ah ay ka qeyb galayaan,Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka ayaa xusay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, argagixisaduna ay uga been abuurteen,madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, 23 January sanadkii 1975-tii, kuwaas oo u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka.

Wasiir Daaโ€™uud ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey kulan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya ku casuuntey kulan ayey dowladdu ku soo bandhigtay xafiiska cusub ee isku xirka iyo mideynta farriimaha dowladda ( Government Communication Office ).

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid goโ€™aankii xadgudubka ahaa ee Israaโ€™iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Afgembi ka dhacay dalka Myanmar iyo militariga oo xiray haweeneydii hoggaaminaysay

Wararka ka imaanaya dalka Myanmar ayaa sheegay in Inqilaab Millateri uu saaka ka dhacay dalkaasi Myanmar, ciidamada oo ka cabanaya…

GudahaWararka
February 1, 2021

Odayaasha dhaqanka gobollada Waqooyi oo ka digay damaca gurracan ee Itoobiya

Hargeysa-(SONNA)-Qaar kamida Odayaasha deegaanka Sheekh Aware ee gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca Ethiopia ee Badda Soomaaliya.…

GudahaWararka
January 16, 2024

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka Baarlamaannada Waddamada Islaamka+sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya , Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galay shirka midowga Baarlamaanadda Dowladaha…

Wararka
January 31, 2020

Madaxwaynaha J.F.S oo booqasho ku tagay dalka Ereteriya+(SAWIRRO)

Asmara-(SONNA)-Madaxweyne J.F.S md. Maxโ€™ed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Asmara ee…

GudahaWararka
October 4, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023