Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka warfaafinta XFS iyo wakiilka midowga Afrika oo faahfaahin ka bixiyey hawlgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka warfaafinta XFS iyo wakiilka midowga Afrika oo faahfaahin ka bixiyey hawlgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay
GudahaWararka

Wasiirka warfaafinta XFS iyo wakiilka midowga Afrika oo faahfaahin ka bixiyey hawlgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay

By SB
Last updated: January 25, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wakiilka Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef,oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa warbaahinta la wadaagay hawgaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka,kuwaas oo khasaare weyn loogu geystay kooxda khawaariijta Al-shabaab.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika ahna madaxa hawlgaladda ATMIS ayaa sheegay in Beesha caalamku bogaadinayso hawgallada dalka ka socda kuwaas oo dalka looga ciribtirayo kooxda khawaariij,wakiilka ayaa sheegay in ay jirto ka go’aanshiiyo dagaalka ah iyadoo la arkayo Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka,Ra’iisulwasaaraha iyo golaha wasiirdda oo jooga furimaha dagaalka.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac wasiirka Warfaafinta ayaa warfidiyeenada u sheegay in muddo 24 saac guddahood ah Ciidanka Xoogga oo kaashanaya Shacabka deegaanka ay degmooyinka Galcad,Xarardheere iyo Ceeldheer kaga saareen kooxda khawaariijta,degmooyinkan ayaa ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud,iyadoo degmooyinkani mudo 15 sano ah gacanta ugu jireen kooxda khawaariijta,shacabka degmooyinka hadda dareemaya neecow xornimo iyo adeegyadii dowladda oo la gaarsiiyey,sidoo kale degmadda Galcad ayaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta dagaal dhacay ka dib markii khawaariijtu isku da’yeen in ay weeraraan Saldhig Ciidanka Xooggu halkaas ku lahaa,ciidanka Xoogga ayaa dagaalkan waxa kaga shahiiday 7 Askari oo uu ku jiro Taliye kuxigeenkii Ciidanka Danab Gaashaanle Xasan Tuure,Madaxweynaha JFS iyo madaxda Qaranka ayaa uga tacsiyeysay eheladda iyo shacabka Soomaaliyeed shuhaddada dhiigooda u huray difaaca dalkooda.

Deegaanka Beer-faarax oo ka tirsan degmadda Xarardheere kagana beegan dhanka waqooyi waxa isla toddobaadkan hawlgal Ciidanka Xooggu fuliyeen lagu dilay 70 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta oo halkaas ku dhuumanayey.Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha dhexe dagaal ka dhacay lagu dilay 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta,halka dhinaca Ciidanka xoogga ay kaga shahiideen 5 Askari,sido kale deegaanka Beerta Sheekh Qaasim oo ka tirsan Tuulada Dhagaxow hawlagal ay si wada jirka ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxa lagu dilay 70 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta Al-shabaab.

Hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka xoogga iyo Ciidanka hawlgalka midowga Afrika ATMIS kaas oo ka dhacay gobolka shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanka Danow ayey ku dileen 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta,wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hawlgal ka dhacay deegaanka Goof-guduud oo ka tirsan gobolka Baay lagu dilay 34 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta, Ciidammada amniga ayaa sidoo kale lix xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay xarunta Gobolka Banaadir kadib markii ay halkaasi soo weerareen argagixisada,halka 5 qof oo rayid ah oo uu ku jiro samafale aragga la’aa uu halkaas ku geeriyooday,wasiirka ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay in hawgaladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay kooxda khawaariijta ah looga dilay 323 xubnood.
Wasiirka ayaa dhinaca kale hadlay safarkii madaxweynaha Jamhuuriyaddu Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay caasimadda ku meelgaarka ah ee dowlad goboleedka koonfur-galbeed,halkaas oo uu Madaxweynuhu kaga dhawaaqay in wejiga xiga ee hawlgalada lagu ciribtirayo khawaariijta Al-Shabab ay ka dhici doonaan Dowladda Goboleedyada Koonfuur Galbeed iyo Jubaland,baaqa nadaxweynaha ka dib waxa bilowday hawlgallo lagu beegsaday Khawaarijta ayaa dhowaan degaannadaasi ka dhacay,waxaa kale oo uu Madaxweynaha JFS kormeer dhiirigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad oo u diyaar garoobay dagaalka lagu soo afjarayo khawaarijta.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo in ka badan 300 culumo ah ay ka qeyb galayaan,Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka ayaa xusay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, argagixisaduna ay uga been abuurteen,madaxweynaha ayaa sidoo kale dib u xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Muqdisho, 23 January sanadkii 1975-tii, kuwaas oo u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldanayd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka.

Wasiir Daa’uud ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey kulan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ay wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya ku casuuntey kulan ayey dowladdu ku soo bandhigtay xafiiska cusub ee isku xirka iyo mideynta farriimaha dowladda ( Government Communication Office ).

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa loo doortay Waqooyi Bari

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-cali iyo Madaxweyne Kuxigeen…

GudahaWararka
August 30, 2025

Madaxweyne Xasan:Geesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed:

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbada dhinacya badan taabanaysa xalay jeediyay ayaa ugu horayn kaga hadlay…

GudahaWararka
October 15, 2023

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo Maareeyaasha hey’addaha dowladda

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre yaa guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo…

GudahaWararka
January 30, 2023

Sii hayaha Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda oo kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Shaqada dowlad goboleedyada “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Sii hayaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa  wuxuu maanta xarunta Wasaaradda…

Wararka
September 9, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023