Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS, Mudane Xildhibaan Prof. Saalim Caliyow Ibroow iyo xubno kale pp la socday ayaa ka qayb galay shirka Caalamiga ah ee Suuqa Shaqada (Global Labor Market Conference), kaas oo ka socda Boqortooyada Dalka Sacuudi Carabiya.
Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 40 wasiir oo ka kala socday dalalka caalamka,waxaa diiradda lagu saaray mustaqbalka shaqada, isbeddellada casriga ah ee suuqyada shaqada iyo sidii loo dejin lahaa istiraatiijiyado iyo habraacyo shaqo oo waara, kuwaas oo lagula jaanqaadayo horumarka teknoolojiyadda iyo dhaqaalaha caalamiga ah.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS ayaa shirka ku soo bandhigay xaaladda guud ee suuqa shaqada Soomaaliya, isagoo iftiimiyey caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed.
Wasiir Saalim Caliyow waxa uu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka goโan tahay hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur ah oo lagu taageerayo dhallinyarada Soomaaliyeed, isla markaana lagu horumarinayo xirfadaha ay u baahan yihiin suuqyada shaqada ee casriga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta suuqa shaqada, abuurista fursado shaqo oo waara, iyo kor u qaadista ka qaybgalka dhallinyarada ee horumarka dhaqaale iyo bulsho ee dalka.