Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu weheliyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdifataax Xasan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya (Somalia Donor Group – SDG) oo kala ah: Chris Pycroft (FCDO โ UK), Martina Durrer (Switzerland), iyo Anna Saleem (Sweden).
Kulankan ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh horumarinta dalka, oo ay ka mid yihiin: Dhammeystirka Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025โ2029), Horumarinta maalgelin waarta si loo xaqiijiyo joogtaynta mashaariicda, Xoojinta ka-qaybgalka shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo Hormarinta tirakoobka qaran, oo ah aasaaska qorsheynta saxda ah.
Wasiirka Qorshaynta XFS iyo guddoomiyeyaasha cusub ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya ayaa waxaa ay hoosta ka xariiqeen doorka muhiimka ah ee Kooxda Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya ay ku leeyihiin hirgelinta mudnaanta 2025 iyo horumar waara.
Ugu dambeyn Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo wakiiladda ka socday Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya ayaa isla qaatay in shirka iskuduwidda la qabto Febraayo 2025, si loo mideeyo dadaallada horumarineed iyo istiraatiijiyadaha lagu gaarayo yoolalka mustaqbalka.