Muqdisho.(SONA)…Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane,C//raxmaan Ducaale Beyle ayaa manta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan uu kaga warbixinaayey waxqabadkii kala duwanaa ee bishii la soo dhaafay u suurtagalay Wasaaradda iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay wasaaradda.
Kulankaan oo Aah mid bishiiba mar loo qabto bulshada ayaa waxa uu la xiriira sidii dadka loo siin lahaa faah-faahinta Maaliyadeed iyo waxa u qabsoomay wasaaradda mudada bisha ah ee tagtay
Waxaan soo bandhigay natiijadii ka soo baxday shirarkii aan la soo galay madaxda hey’ada ha kala ah, IMF, World Bang iyo Bangiga Horumarinta Afrika,ayuu yiri Wasiirku.
Mudane Beyle ayaa xusay in bulshada lala wadaagayo hiigsiga ku aadan hanaanka deyn-Cafinta oo uu tilmaamay in rajo wanaagsan laga leenahay sanada soo socota ee 2020,
Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Beyleayaa shaabka kula dardaarmayin la isqabsado gacmaha oo si wadajir ah loogu shaqeeyo dalka.