Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo la hadlay qaar kamid ah hoggaamiyaasha bulshada ayaa ku baaqay in loo istaago soo gabagabeynya iyo ciribtirka kooxaha khawaarijta ee weli ka dagaalamaya deegaanada Galmudug.
Wasiirka oo si gaar ah u xusay doorka culumada ayaa sheegay in mashaโiikhdu ay sabab u ahaayeen in dalka laga xoreeyo gumeysiga shisheeye ee ku soo duulay dalka,wuxuuna intaa raaciyay in kooxaha nabad-diidka ah ay doonayaan dib u dhac iyo xasilooni darro guud oo ku habsada dalka Soomaaliya.
Wasiir Axmed Xassan Aadan ayaa caddeeyay in guusha ay ku xiran tahay in culumada iyo shacabku ay ku dhaqaaqaan la dagaalanka kooxaha khawaarijta,isagoo dhinaca kale ku taliyay in ay isdaba qabtaan kooxahaasi oo ay isu soo dhibaan ciidamada dowladda si ayuu yiri loo badbaadiyo naftooda.