Qaahira(SONNA):-Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka.
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Adam Macallin (Soomaali), oo shirkaa ku matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa door muuqda ka qaatay kulamada iyo wada-tashiyada istiraatiijiga ah ee ajendaha shirka.
Wasiirka ayaa madasha ka caddeeyey aragtida Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda, isaga oo si gaar ah u muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashi Carbeed oo mideysan si loo dhiso mustaqbal dijitaal loona dardar-geliyo horumarka dalalka xubnaha ka ah golaha.
Ka-qaybgalka Soomaaliya ee kulankan heer gobol ah ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga goโan tahay ka mid noqoshada dadaallada wadajirka ah ee Carabta, ka-qayb qaadashada goโaamada saameeya jihada horumarka dijitaalka ee gobolka iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan hal-abuur aqoon wadaag iyo tiknoolojiyad casri ah.
