𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼(SONNA):- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayey madaxa ugu sareeya hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr. Leonel iyo xubno kale oo la socday.
Kulanka dhex maray Wasiirka Isgaarsiinta XFS iyo madaxa ugu sareeya hay’adda UNDP Soomaaliya waxaa diiradda lagu saaray xoojinta horumarinta iyo sara uqaadista Digital-ka Dalka.
Madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya mr.Leonel ayaa balan qaaday inay wasaaradda kala shaqeyn doonaan sara uqaadista Degitaalka maadaama ay wasaaradu ka shaqeyso Howlaha ugu muhiimsan ee dhanka Isgaaraiinta iyo Teknolojiyadda.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa dadaal adag ugu jira sidii loo tayeyn lahaa Teknolojiyada loogana faa’ideysan lahaa khuburada ka gacansiin karta howlaha la xiriirta Degitalka iyo guud ahaan Teknolojiyadda Dalka.