Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyey hawgalo lagu dilay horjoogeyaal khatar badnaa
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyey hawgalo lagu dilay horjoogeyaal khatar badnaa
GudahaWararka

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyey hawgalo lagu dilay horjoogeyaal khatar badnaa

By SB
Last updated: January 3, 2026
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi oo goordhowed la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalo is xig xigay oo Ciidanka qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ahi ka fuliyeen gobolada dalka.

Wasiirka ayaa ugu horayn xaqiijiyey in la khaarajiyey horjooge sare Eng Cabdullaahi Cismaan Maxamed Abuukar oo loo yaqaanay kooxda guddaheeda( Eng Ismaaciil) kaas oo kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa qaraxyada,amniga guddaha iyo hawlgalada dibadda ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe halkaas oo xarun u ah kooxda khawaarijta ahna goobta khawaarijta ku bixiso tababbarada ay siiso naftood haligeyaasha, Eng Ismaaciil ayaa loo diyaarinayey inuu noqdo horjoogaha bedeli doona horjoogaha khawaarijta Axmed Diiriye.

Qaraxyada uu fuliyey Eng Ismaaciil ayaa waxa ka mid ahaa qaraxii ceelgaabta ee ka dhanka ahaa madaxweyanaha qaranka,weerarkii godka jilacow,qaraxii ka dhacay kuliyadda jaalle Siyaad, qaraxii Zoobe 2017,hargaha iyo saamaha iyo qaar kale oo badan kuwaas oo lagu halaagay kumanaan shacab ah oo waxba galabsan.

Horjoogaha labaad ee hawlgalkan lagu dilay ayaa ah Cabdikariim Maxamed Xirsi Qoorleex,ninkan ayaa ka tirsanaa qaybta Khawaarijta u qaabilsanaa qaybta dibedda isagoo hawlgalo argagixiso ka fulin jiray dalalka dariska intii ninkan la dilay waxa kooxdka khawaarijta ku dhacay khal khal iyo isku dhex yaac baahsan taas oo khatar gelinaysa jiritaankooda.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa si weyn ugu mahadceliyey Haya’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo keentay xogta horjoogeyaashan wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyey hawlgalka la dagaalanka argagixisadda ee dowladda Maraykanka.

Dhinaca kale wasiirka wuxuu xaqiijiyey in hawlgal xalay ka dhacay deegaanka Buulla-fuleey ee gobolka Baay lagu dilay 20 horjooge sidoo kalena lagu burburiyey Idaacadii dadka lagu marin habaabin jiray ee kooxda khawaarijta ee Andulus,wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in shalay weerar ka dhacay Wargaadhi Khawaarijta looga dilay in ka badan 20 sidoo kale laga dhaawacay 30 halkaas oo si weyn loogu jabiyey khawaarijta,wasiirka ayaa dhinaca kale xaqiijiyey in ciidanka Dowladda go’doomiyeen 500 oo khawaarij ah oo ku jira meel u dhow Jabad Godane kuwaas oo dowladda ugu baaqday in ay isa soo dhiibaan hadii ay isa soo dhiibi waayaana dowladda soo afjari doonto maalmaha soo socda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo ugu baaqay qurbajoogta in ay taageeraan ciidamada qalabka sida

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee qurba-joogta Soomaaliyeed ay qaadanayeen…

GudahaWararka
July 22, 2025

Maamulka Degmada Luuq oo kormeeray goobaha uu fatahaadda ka sameeyay Webiga Jubba “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)- Wabiga Jubba ee mara Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa saamayn u geystay beeralayda Degmada kaddib markii uu…

Wararka
May 5, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay xubnaha Golaha uga mid noqonaya Baarlamaanada Afrika

Muqdiaho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay xubnaha Golaha Shacabka uga mid noqonaya Baarlamaanada Afrika,…

GudahaWararka
August 6, 2023

Trump oo dhameystay socdaal uu ku tagay Sacuudi,Qadar iyo Imaaraadka

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump oo ku jira lugtii u dambeysay socdaal uu ku marayo Bariga Dhexe ayaa sheegay in…

Caalamka
May 16, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023