Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenadda , iyo dhammaan askartii maanta la dalacsiiyay ee ka qeyb qaadatay jabkii xoogaanaa ee dhawaan ciidamadu ay u geysteen kooxaha argagixisada oo weeraro fulaynimo ah ku soo qaaday Aw-dheegle iyo Bariire.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in uu ugu Hambalyeeynayo Dalacsiinta ay ku muteysteen Difaaca dadkooda ,dalkooda iyo diintooda
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay Sida ay uga go’an tahay Dib-u-dhiska ,Tayeeynta iyo dhiiragalinta CXDS.
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada dadaallo Xooggan oo lagu dhiiragalinayo CXDS ,isla markaana lagu wiiqayo argagixisada.