Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah hoggaanka Hay’adaha Siyaasadda Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF) ugu wareejiyay Jamhuuriyadda Uganda, isagoo xilka guddoomiyenimo ee Gudoonka Golaha Wasiirada iyo Taliyayaasha Ciidamada ku wareejiyay wakiilka Wasiirka Gaashaandhigga Uganda ahna Taliyaha Ciidamada Dhulka Uganda, S/Guuto Kayanja Muhanga, intii lagu guda jiray Kalfadhiga 35-aad ee Caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka xubnaha ka ah EASF.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah EASF iskaashigii dhowaa iyo wadashaqeyntii miro-dhalka ahayd ee ay la lahaayeen Soomaaliya muddadii ay hoggaanka haysay, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli ka go’an tahay sii wadidda taageerada, ka-qaybgalka firfircoon, iyo kaalin qaadashada dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Afrikada Bari.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo hal sano ah haysay hoggaanka Hay’adaha Siyaasadda EASF, iyadoo muddadaas si masuuliyad leh u gudatay waajibaadkeeda, isla markaana laba jeer martigelisay shirarka EASF, taas oo muujinaysa kalsoonida lagu qabo doorka Soomaaliya ee amniga iyo wada-shaqeynta gobolka.
Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF) waa hay’ad goboleed ka kooban cutubyo militari, boolis iyo qaybo rayid ah, looguna talagalay ka-falcelinta xaaladaha degdegga ah ee amni, nabad-ilaalin, iyo bani’aadamnimo ee ka dhaca dalalka xubnaha ka ah gobolka.
