Kampala, (SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku marayo dalalka Soomaaliya ciidamadu ka joogaan iyo kuwa cusub ee lagu wado inay ku biiraan hawlgalka Midowga Afrika ee la qorsheynayo inuu bilowdo sanadka 2025.
Safarka waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas ฤฐbrahim Sheekh Muxudiin, iyo masโuuliyiin ka socday dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).
Wasiirka oo ka hadlay socdaalkaas ayaa sheegay in uu guul ku soo gabagabeeyay safarka Jabuuti, halkaas oo ay mas’uuliyiinta dalkaasi kaga wada hadleen amniga gobolka iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika.
โWaxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,โ ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka oo haatan ku sugan Uganda ayaa sheegay in madaxda dalkaas uu kala hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen hawlgalka cusub.
Socdaalkiisu wuxuu sidoo kale gaari doonaa dalalka Burundi iyo Kenya, halkaas oo uu kala hadli doono sidii dalalkan ay gacan uga geysan lahaayeen qorshaha cusub ee nabad ilaalinta.
Kulamadan ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta hawlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka.