Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u xaqiijisay in Dowladda Itoobiya laga reebay Dowladdaha ka qayb qaadanaya hawlgalka Cusub ee Ciidanka Midowga Afrika oo Soomaaliya ka hawlgeli doona bilowga sannadka Cusub ee 2025-ka.
Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u xaqiijiyey in Itoobiya si rasmi ah looga reebay Dowladdaha ka qayb qaadanaya hawlgalka Midowga Afrika ee 2025,wasiirka ayaa sheegay Itoobiya ka xad gudubtay qaranimada Soomaaliya sidaas darteed na Dowladda Soomaaliya uga reebtay hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya,Wasiir Cabdiqaadir ayaa dhanka kale sheegay in dhowaan la dhaacin doono liiska dalal ka qaybta noqon doona hawlgalka Cusub.
Hawlgalkan cusub ee Midowga Afrika ayaa ah mid kooban oo dhanka farsamada ka caawin doona Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed hawlgalada la dagaalanka Khawaarijta,dowladda Soomaaliya ayaa bisha December soo afmeeri doonta hawlgalkii horr ee ATMIS waxana goobihii Ciidanka ATMIS ka hawlgeli jireen la wareegay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.