Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka difaaca ee dalka oo sheegay in xarumo cusub loo dhisi doono ciidanka Xoogga Dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasiirka difaaca ee dalka oo sheegay in xarumo cusub loo dhisi doono ciidanka Xoogga Dalka
Wararka

Wasiirka difaaca ee dalka oo sheegay in xarumo cusub loo dhisi doono ciidanka Xoogga Dalka

By Sonna Whiteka
Last updated: March 13, 2020
2 Min Read
Share

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in Wasaaraddu ay dhisayso xarumo cusub oo ay ciidanka xooga dalka ku yeelan doonaan deegaannada Dowlad Goboleedyada dalka ee qeybta ka mid ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Dicaafa ee dalka oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’antahay dhismaha ciidanka qalabka sida, ayna qorsheynayaan dhismaha xarumo cuusb oo laga hirgelinayo gobollada dalka,

“Xaqiiqdii dib u habeynta ciidanka lagu sameeyay iyo kaalmada la siiyo ciidanka xoogga dalka, waxay fursad noo siisay in 18-ka bishan aan dhisno xarun cusub oo ay yeelanayaan qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka iyo in aan dhagax dhigno xarumo kale oo horleh oo aan ka hirgelineyno dowlad goboleedyada oo ay ugu soo horeyso Hirshabeelle, waxaana soo gaarnay marxalad lagu faani karo ciidanka xoogga dalka”ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga dalka.

Wasiirka difaaca ee Soomaaliya ayaa mar uu ka hadlayay ciidamada xoogga dalka ee ka howgalla Gobolka Gedo ayuu ku sheegay inay gudanayaan waajibaadka ciidanka ka saaran difaaca waddanka, isla markaana ay keentay in halkaasi ciidanka loogu diro baahi jirto awgeed.

“Ciidanka xoogga dalka waxaa saaran waajibaad ah difaaca cirka, badda iyo dhulka, dhulkana waxaa ka mid ah waajibaadka ciidanka xooggu loo xilsaaray, ciidanka waajibaad ayay leeyihiin oo ay u madax banaantahay Wasaaradda difaaca, Taliyaha ciidanka xoogga dalka uu u madax banaanyahay, waxaana ciidanka loo dirayaa meeshi ay baahi ka timaado, maamul goboleedyadana ma quseyso arrimaha ciidanka xoogga dalka.” Ayuu yiri Wasiir Xasan Cali Maxamed.

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ololaha Wacyigalinta dib-u-eegista Dastuurka oo lagu soo Gabagabeeyay Muqdisho

Olole Wacyigalineed oo kusaabsan Dib-u-eegista dastuurka kaa oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay…

Wararka
February 4, 2020

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo muddeeyay dooraahada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee…

GudahaWararka
November 29, 2025

Sii hayahaTaliyaha Ciidanka Asluubta oo booqday xarumaha ay ku jiraan maxaabiista soomalida ee Sacuudi Carabiya

Sii hayahaTaliyaha Ciidanka Asluubta C/Kariin cali Afrax iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo maalmahaan booqasho shaqo ku jooga Dalka Sacuudi carabiya…

Gudaha
February 10, 2023

Ciidanka Xoogga oo howlgal lagu baacsanayo khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Gedo

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Gedo halkaasi oo…

GudahaWararka
October 28, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023