Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar oo 27-ka bishaan soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Soo dhaweyn keddib labada dhinac ayaa qaatay kulan ballaaran oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada badda, iskaashiga dhaqaalaha, kor u qaadista kaabayaasha dekadaha, Difaaca Amniga, Tamarta iyo horumarinta adeegyada istaraatiijiga ah ee badda.
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Abdulkadir Mohamed Nur ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay joogteynta iyo ballaarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, iyada oo uu muujiyay sida ay muhiim u tahay derdirgelinta iyo hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo dan u ah labada dal.
Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Durmuş ayaa dhankiisa ka mahadnaqay soo dhawayanta diiran ee loo sameeyey, isagoo xoojiyey muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashi qotada-dheer ee u dhexaya labada dal iyo dardar gelinta heshiisyada horseedaya koboca dhaqaalaha iyo ganacsiga.
