Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kaga Mahadceliyay Golaha Wasiirada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Buugga Badmaaxa Soomaaliyeed,kaasย oo muhiim u ah badqabka badaha, xirfadda badmaaxiinta iyo hannaanka shaqo ee Badda.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Tallaabadani ay ku timid dadaallada dib-u-habeynta ah ee guud ahaan qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, iyadoo la fulinayo siyaasadda guud ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya JFS ee ku aaddan dhaqan-gelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, iyadoo mudnaanta la siinayo danaha qaranka.
โXeer nidaamiyahan muhiimka ah wuxuu adkeynayaa amniga, wuxuu ciribtirayaa dukumiintiyada been-abuurka ah, wuxuuna suuragelinayaa inay Soomaaliya si buuxda ula jaanqaaddo heshiisyada caalamiga sida STCW iyo MLC 2006.
Sidoo kale, wuxuu furayaa albaabo shaqo oo cusub oo ay ka faaโiidaysanayaan badmaaxiinta Soomaaliyeed, wuxuuna kor u qaadayaa sumcadda iyo kalsoonida calanka Soomaaliyaโayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur
Wasiirka ayaa sheegay in arrintani ay tahay guul qaran oo dhiirrigelinaysa mustaqbal ifaya ee dhanka badaha, isagoo uga mahadceliyay guddiga mar walba ka shaqeeyay howlahan baaxadda leh.