Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mahadcelin u jeediyey Golaha Wasiirrada oo maanta meel mariyey Is-afgaradka ka dhexeeya maamullada Dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya.
Is-afgaradkan ayaa xoojinaya iskaashiga iyo xog-wadaagga dalalka gobolka,ย waxaana uu gacan ka geysanayaa hubinta badbaadada, ilaalinta deegaanka, iyo kordhinta kalsoonida dekedaha.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay ka goโan tahay hirgelinta shuruucda muhiimka u ah danaha qaranka, si loo helo bad ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo.
