๐๐๐ฐ ๐๐จ๐ซ๐ค-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb Khadija Maxamed Al-makhzoumi ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay Shirka Maalgashiga Afrika, halkaas oo ay kaga hadashay doorka Qorshaha Qaranka Soomaaliya ee yareynta dikhowga hawada.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqday in Soomaaliya ay u baahan tahay maalgashi dhan $16.9 bilyan ee himillada-Nationally Determined Contribution (NDC) Soomaaliya ilaa 2030.
Wasiirka ayaa sidoo kale xoojisay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee u dhaxeeya dowladda iyo ganacsiyada gaarka ah (PPP) si loo sameeyo maalgashi tamar cagaaran (Green Energy) iyo beerashada cimilada la jaanqaada (Climate Smart Agriculture), taasoo gacan ka geysanaysa in la soo gaabiyo firaaqa dhaqaale ee ka dhashay isbeddelka cimilada.